Ganacsatada magaalada Muqdisho iyo Xukumada Cabdiqasim ayaa markale soo sameeystay lacag been abuur ah.
MUADISHO April 7, 2001 (BP)- Lacag cusub oo laga soo dejiyay garoonka Ballidogle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa keentay sicir barar xad dhaaf oo laga dareemay guud ahaan Somaaliya gaar ahaan magaalada Xamar oo ay dadweeynuhu muujiyeen sida ay uga xunyihiin lacagtaas been abuurka ah oo sida la sheegay ay sameeynteeda iska kaashadeen ganacsatada magaalada Xamar iyo xukumada Cabdiqaasim Salaad ee laguu soo dhisay CARTA.
Waxaa lagu qiyaasay in lacagtaan cusub ay dhantahay 10 milyan oo dollar waxayna kor u kicisay sarifka qimaha Dollarka oo markii hore joogey 15.000 oo Shilin ayaa haatan waxaa lagu sarifaa 17.000 oo Shilin. Warku wuxuu intaa ku daryaa in qaar ka mid ah dadweeynaha ay shegeen in garoonka Ballidogle oo lacgataan laga soo dejiyo uu dhibaato weyn ku hayo waxyna codsadeen in Ururka RRA iyo Beelaha Digil iyo Mirifle oo degaan ahaan u leh dhulka Ballidoogle ay ku dadaalaan sidii ay ula wareegi lahaayeen garoonka ayna ka qabtaan ganacstada iyo Kooxda Carta oo sida ay sheegeen u wada shaqeeysta sidii Maafiyada Talyaaniga iyo Dowladooda.
(BAYDHABO PRESS)
|