--

 Return to Index  

Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo maanta duhurnimadii dalka dib ugu soo laabtay

April 7 2001 at 9:13 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo maanta duhurnimadii dalka dib ugu soo laabtay

BAYDHABO April 7, 2001 (BP)-Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] Guddomiyaha Ururka RRA iyo wafdigii balaarnaa ee uu hoggaaminayey ayaa maanta duhurnimadii waxaa ay ka soo degeen garoonka diyaaradhaha ee magaalada Baydhabo.

Dr. Xasan iyo wafigiisa oo soo dhameeystay boqasho dheer oo ay ku tageen dalka Itoobiya ayaa waxaa magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxda Ururka RRA, kuwa gobolka iyo Dadweeynaha reer BAYDHABO oo aad u tiro badnaa tubnaana wadada isku xirta garoonka iyo bartamaha magaalada BAYDHABO.

Guddomiyaha Ururka RRA Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud]ayaa la filayaa in uu maalinta barito ah u waramo saxaafada iyo idaacadaha dalka kana warbixiyo socdaalkisii dheeraa, shirkii ay hoggaamiyayaasha kooxuhu ku yesheen dalka Itoobiya iyo guud ahaan xaalada Siyaasda murugeysan ee Somaaliya.



(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement