Warar lagu qoray jariidada Al-Arham (No.41760 of April 7, 2001) ayaa sheegay in shir lagagaApril 12 2001 at 3:41 PM | BAYDHABO PRESS | |
|
BAYDHABO April 12, 2001 (BP)-Warar lagu qoray jariidada Al-Arham (No.41760 of April 7, 2001) ayaa sheegay in shir lagaga wada hadlayay arrimaha Soomaaliya lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay ku kulmeen Safiirada dalalka Carabta iyo Ururka Midowga Yurub .
Jariidadu waxaa ay sheegtay in shirkaasi lagu casuumay kooxaha isku haya Soomaaliya islamrkaasina halkaasi la isku waydaarsaday aragtiyo kala duwan oo ku aadan nabadaynta Soomaaliya.
Warku waxaa uu intaas ku daray in dalalka Yurub ay aaminsan yihiin in aan Carta lagu heshiin islamarkaana ay dib-u-heshiisiinta Soomaaliya u baahantahay hawl aad u weyn taasoo ay haboon tahay in qaybaha dalkaasi isku hayaa si fiican uga baaraan degaan.
Midowga Yurub ayaa shirkaasi ku soo bandhigay warbixin ay ka soo sameeyeen Soomaaliya iyo Somaliland islmarkaana ku sheegay warbixintooda in aanay Somaliland haba yaraatee danaynaynin midow ay Soomaaliya la gasho halka ay Cabdiqaasim iyo kooxdiisu ka sheeganayaan inay matalaan Somaliland taasina ku tusayso sida ay u adagtahay heshiis taama oo ay gaaraan kooxaha Soomaaliya isku hayaa.
Kooxaha Soomaaliya ee kasoo horjeeda Kooxda Carta ayaa iyaguna ka codsaday dalalka Carabta in ay taageerada kala noqdaan Cabdiqaasim iyo kooxda Carta.
(BAYDHABO PRESS)
| |
|