From: CABDULLE XASAN JIMCAALE <jimcaale1960@yahoo.
To: baydhabopress@hotmail.com
Subject: BAAQ UU SOO SAARAY WAXGARADKA USC/SSA
Date: Sat, 14 Apr 2001 17:47:14 +0200 (CEST)
MUQDISHO April 14,2001-(USC/SSA-07/04/2001) Ugu horeyntii waxaan halkan ka salaamaynaa dhamaan shacabka soomaaliyeed; salaan ka bacdi waxaan jeclaysanay inaan halkan kasheegno baaq uu soo waxgaradka ku abtirsada USC/SSA si looga hortago
dhiig markale ku daata magaalada Muqdisho.
Baaqan wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqayaa kooxda
CABDIQAASIM oo aan u haysano inay tahay fidno kale oo
uu Ismaaciil Cumar Geelle soomaalida soo dhexdhigay;
baaqaas oo ka kooban dhowr qodob waa kan :
1)Waa in laga fogaadaa wax kasta oo keeni karaaya isku
dhac maleeshiyooyinka wada jooga magaalada,taasoo saan
filayno aysan cidna dan ugu jirin,
2)Waxaan ugu baaqaynaa C/qaasim iyo taageerayaashiisa
inay ka tanaasulaan sheegashada ay sheeganaayaan
dawladnimada maxaayeelay waxaan ognahay in soomaaliya
ay ka jiraan 2 maamul goboleed (Somaliland iyo
Puntland), Maamulka RRA qaybo ay xukumaan hagaamiyayaasha MUUSE SUUDI YALAXOW,CISMAAN XASAN CAATO,XUSEEN CAYDIID.
3)Waxaan ugu baaqaynaa C/qaasim inuu si shuruud la'aan
ah uu maleeshiyada beesha uu ka dhashay uga soo saaro
koonfurta Soomaaliya,iyadoo saan ka warqabno ay xoog
ku haystaan magaalooyinka ay ka mid yihiin:
QOYOOLEY,MARKA,BARAAWE,JILIB,KISMAAYO,IWM
Anagoo tixraacayna wararka calool xumada leh ee ay
maleeshiyadaas ka sameeyaan dhulalkaas aan kor kusoo
xusnay, tusaale ahaan :
BARAAWE:
Bara kicin lagu hayo dadka halkaas dega,dil,dhac,kufsi
aan kala go'lahayn oo loogaysto dadkaas masaakiinta
ah,iyadoo ay u sii dheertahay iyadoo badda aan loo
ogolayn inay kasoo kalluumaystaan,laga qaado canshuur
ah madaxaa haku furto,iyadoo ay magaaladaas ka
taliyaan niman kasoo barakacay GALGADUUD,sida
magaalada marka ay uga talaiyaan niman noocaas oo kale
ah, oo weliba sheeganaya inay yihiin niman Islaam ah.
Anagoo tix raacayna hadalka suldaanka beesha
Jiido,SULDAAN CUSMAAN XAAJI,OO KU TILMAAMAY NOOC
KAMIDA GUMAYSIGA CUB.
Wxaa xusid mudan in dadka sh/hoose lagu yiraahdo
marwalba waxaan idinka celinaynaa burcadda,iyadoo
burcaddu tahay niman isku beel ah oo lawada yaqaan.
4)Waxaan ugu baaqaynaa hay'adaha gargaarka inay dalka
dib ugusoo laabtaan,iyagoo fasax kaqaadanaya dhamaan
hogaamiyayaasha magaalada Muqdisho.
Ugu dan bayntii waxaan ku soo gabagabaynaynaa
baaqeena farriin ku socota hay'adaha samafalka:
Hay'adaha samafalka markay imaanayaan dalka
Soomaaliya waa inay fasax ka qaataan dhamaan
hogaamiyayaasha siyaasada,hay'addii samafal ee lagu
qabto dalka gudihiisa iyadoo aan wax ogaysiin ah aan
soosiin ururada kajira magaalada waxay la kulmi
doontaa cawaaqib aad u xun kaasoo noqon kara xarig
illaa 5 sano oo xarig ah,maxaayeelaya ururada
siyaasadda waxay ka taliyaan magaalada.
CABDULLE XASAN JIMCAALE
XOGHAYNTA URURKA USC/SSA
(BAYDHABO PRESS)
This message has been edited by moalen on Apr 14, 2001 7:07 PM
|
|