Inj. Xasan Abuukar Wakiilka RRA ee Dalalka Australia iyo Newzeland oo ka hadlay Imaanshaha Xuseen Caydiid
BAYDHABO April 14, 2001 (BP)- Wareeysi uu wargeyskan la yeeshay Inj. Xasan Abuukar Wakiilka RRA u qaabilsan dalalka Australiya iyo Newzeland ayey noo suurto gashay in aanu wax kaga weydiino arimo ay ka mid yihiin imaatinka la sheegay in uu Hoggaammiye Kooxeedka Xuseen Maxamed Caydiid uu imaan dono magaalada BAYDHABO maalmaha soo socda.
Inj. Xasan Abuukar waxaa uu sheegay " In Xuseen Caydiid uu ka galay danbiyo ka baxsan bani'aadnimada Ummadda iyo shacabka Digil iyo Mirifle ee dega koonfurta Somaaliya, maliishiyadii uu Xuseen Cayddid hoggaaminayey waxay gubeen boqolaal tuulo ilsa markaana xasuuqeen dad iyo duunyo wixii ku noola.
Si kastaba ha ahaato Ummadda Digil iyo Mirifle waa dad leh xadaarad dheer iyo dhaqan si dhab ah ugu saleeysan Islaamka Xuseen Cadydiid waa nin Somaaliyeed anigu ma qabo shakhsi ahaan in la keeno magaalada BAYDHABO, waxaan door bidi lahaa in la geeyo mid ka mid ah degmooyinka hoos yimaada maamulka RRA, hadiise ay madaxda Ururka RRA isla gartaan in uu yimaado waxaan arkaa in shardi lagu xiro imaanshihiisa kaas oo ah in uu fagaaraha garoonka lagu ciyaaro kubada cagta ee BAYDHABO uu boqolaalka kun ee ku nool BAYDHABO uu ku hor qirto danbiyadii foosha xumaa iyo gardaradii uu kula kacay shacab degan dhulkooda oo u ku soo duulay kana dalbado cafis caalamkuna uu markhaati ka noqdo, wixii intaas ka danbeeya Ummadda Digil iyo Mirifle ayey u taalaa in ay dalbadaan in Maxkamad loo soo saaro si loogu qaado danbiyadii uu ka galay iyo in ay Alle ku dhaafaan.
Mar aan Inj. Xasan Abuukar wax ka weeydiinay in arinta imaatinka Xuseen Caydiid ay wadato Dowlada Itoobiya ayna ku cadaadissay madaxda RRA in ay ka ogolaadaan?
Waxaa uu ku jawaabay " Itoobiya xiriir fiican iyo darisnimo wanaag baa naga dhexeeya laakiin Itoobiya ma laha go'aanka ah in Xuseen Caydiid uu yimaado BAYDHABO iyo in kale, BAYDHABO waa magaalo ay degaan ahaan leeyihiin Ummadda Digil iyo Mirifle waana dhul Somaaliyeed oo xor ah, way dhici kartaa in ay Itoobiya ku cadaadiso Ururka RRA oo uu ka dhexeeyo xiriir fiican in ay u ogoladaan in Xuseen Caydiid uu imaado BAYDHABO maadaama dhawaan la soo dhisay Gole ay ku wada jiraan kooxo Somaaliyeed xil wareegin uu halkaas ku sameeyo bacdamaa ay u dhamaatay mudadii uu xilka hayey mase u malaynayo, laakin Itoobiya ma cadaadin karto shacabka Digil iyo Mirifle oo ah kuwii laga galay danbiga".
Mar kale oo aan wax ka weeydinay waxa dhacaya hadii ay Dowlada Itoobiya isku daydo in ay cadaadiso shacabka Digil iyo Mirifle?
Waxaana uu Inj. Xasan yiri " Waxaan u maleeynayaa in ay Siyaasadda Dowlada Itoobiya ka sareesyo intaas, wax badan ayaan soo wada shaqeeynay Dowlada Itoobiya saaxiibo badana waan ku leenahay Siyaasi-yiintooda si fiicana waan isu naqaana, Itoobiya marabto in ay u dhaqanto sida kooxaha Somaaliyeed oo kale waa dal aan deris nahay mana doonayaan inay waxyaabaha qaarkood faragashtaan waayo si fiican bey u yaqaaniin Somaalida. Ummadda Digil iyo Mirifle waa shacab uu awood Alle siiyay wax weyna ka badali kara Siyaassada Somaaliya iyo tan Itoobiya, Diplomaa-siyiinta Itoobiyana iyo Dowladoodu wey ogyihiin taas oo waa ka wada hadalnay.
Dowladii kooxda Somaaliyeed ee Carta lagu soo dhisay ee hada ay dhibaatadu haysato waxay ku xirantahay in ay Dowlad taaba qaado oo sii socoto noqoto iyo in kale sida ay hadba ula tacaamusho Ummadda Digil iyo Mirifle iyo rabitaankooda Maamul cadaalad ku dhisan oo Federal ah iyo degaankooda oo looga baxo si shuruud la'aan ah, hadii ay taa garan waayaan kooxda Carta, oo aysan garan ilaa iyo hada mana u maleeynayo in taas laga sugaayo oo ay hada ka dib garan doonaan, waxaa markaas hubaal ah oo uu san shaki ku jirin in aysan Xamar soo dhaafi doonin oo ay ku dhamaan doonto sheegashada ay sheeganayaan Dowladnimada, arintu waa siyaassad marka sadexdaan kala ah 1- Kooxda Carta. 2- Dowlada Itoobiya. 3- RRA iyo shacabkooda Digil iyo Mirifle, waxay guushu raacaysaa marba labadii isku xiran oo israacda, hada waxaa wada socda RRA iyo Itoobiya waana taas mida baabinaysa Kooxda CARTA oo aysan meelna u gaari doonin.
Su'aashaydii ugu danbeysay hadii aan ku weeydiyo waxay la xiriirta muxuu yahay xiriirka ka dhexeeya Shaargaduud iyo Cabdulaahi Yusuf?
Inj. Xasan Xiriirka ka dhexeeya Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] iyo Md. Cabulaahi Yusuf waa xiriir ku saleeysan Fikrad iyo Mabda'a ah in dalka Somaaliya la isugu keeni karo oo kaliya nidaam Federaal ah, nidaamkaas oo ay Qowmiyadda Digil iyo Mirifle ku baaqday waqtigii ay Somaali xornimada qaadanaysay si aan cidna loo dulmin dlakuna uu horumar ku gaaro, waqtigaas iyada ah Somaali inteeda kale wey ka soo horjeesteen nidaamkii aan ku baaqnay wixii laga dhaxlay waa la wada ogyahay oo hadii waagaas la qadaan lahaa nidaamka Federaalka ah sida uu hada dalku u burburay uma burburi lahayn.
Hada waxaa nala gartay wanaaga uu nidaamkaas isaga ah leeyahy Beelaha Daarood gaar ahaan Madaxweeynah Dowlad goboleedka Puntlad sababta oo ah markii uu burburku dhacay ayaa waxaa Beelaha Darood soo gaaray dhibaato iyo dulmi lagula kacay, waxaa iyagana sii fogaaday oo doortay in ay ka baxaan midnimadii Somaaliyeed Beelaha Isaaq oo nidaamkii militeri ee ku saleysnaa kaligii talisnimada uu dhibaato darn u geeystay Beelaha Isaaq.
Marka waqtigaan hada ah cid kasta oo dhib loo geeystay waxay garatay in sida looga bixi karo loogana hortagi karo dulmigu ay tahay in ay yeeshaan ismaamul hoose ama Dowlad goboleed, RRA waxaa kale oo uu xiriir fiican ka dhexeyaa Beelaha Mudulood oo iyaga laftigooda loo geeystay dhibaato gaar ahaan Hogaamiyaha Muuse Suudi Yalaxow iyo inta garaty in ay maslaxadu ku jirto in la sameeysto Maamul goboleed, kuwa diidan nidaamka Federaalka oo ay tiradoodu aad u yartahay waxaa hormuud u ah Kooxda CARTA, waxay ku dicaayadeyaan inta dooneysa in la qaato nidaamkaan isaga ah in ay rabaan in dalka la kala qeybiyo taas oo ah mid xaqiiqada ka fog maxaa yeelay dalka intiisa badan waxaa laga taagersanyahay in la dhiso Dowlad goboleedyo hadaba ma Somaali badankeed ayey iyagu ka wadanisanyihiin, Dowlada aan deriska nahay ee Itoobiya waxay taagersantahay nidaamkaan isaga ah maadama ay saaxibadeed oo dhan ku qanacsanyihiin.
Marka xirrirka uu Dr. Xasan la leeyahay Somaalida kale ma ahan wax ku saleeysan qabiil ee waa Fikrad iyo Mabda,a kooxda Carta waxaan isku khilaafsanahy Fikradaas iyada ah wayna adagtahay in la isku imaado inta ay rabaan in ay soo celiyaan nidaamkii la riday oo kale oo kaligi talisnimo ah taas oo aan qolana usurto geleyn ha ahaadeen kooxda Carta ama kuwo kale oo gadaal ka imaada saan horey kugu sheegay Somaali badankeed waxay ku qanacsantahay in la qaato nidaamkaas isaga ah oo Federaalka ah inta diidan wey yartahay fursada ay Somaali ku xukumaana sidaas oo kale waa wax yar amaba aan dhici karin.
(BAYDHABO PRESS)
This message has been edited by moalen on Apr 15, 2001 12:56 AM This message has been edited by moalen on Apr 15, 2001 12:47 AM
|
|