Hoggaamiye Kooxeedka Muqdisho Xuseen Maxamed Caydiid iyo wafdi uu hoggaminaayo oo maanta soo gaaray BAYDHABO.
BAYDHABO April 17, 2001 (BP)- Wafdi balaaran oo uu horkacayo Hoggaamiye Kooxeedka Somaaliyeed ee Koonfurta Muqdisho ahna Guddomiyaha Golaha dib u dhiska iyo soo celinta Qaranka Somaaliyeed Xuseen Maxamed Caydiid ayaa saaka subaxnimadii hore ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada BAYDHABO.
Wafdigaan ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada BAYDHABO Guddomiyaha Ururka RRA Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] Guddomiye ku xigeenadiisa, Maamulka gobolka Bay iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiga Fulinta ee Ururka RRA, Xubnaha wafdiga Xuseen Caydiid ayaa waxaa ka mid ahaa Muuse Suudi Yalaxow, General Aadan Gebyow, Cumar Xaaji Masale iyo xubno kale oo ka tirsan Golihii dhawaan lagu soo dhisay dalka Itoobiya.
Magaalada BAYDHABO ayaa aad u deganayd Dad-weeynuhuna way ku kala qayb-sanaayeen aragtidooda la xiriirta imaatinka wafdigan uu horkacyey Xuseen Caydiid oo laga tirsanaayo danbiyo fara badan iyo xadgudub la xiriira xaquuqul insaanka mudadii ay isaga iyo maliishiyadii uu horkacayey xooga ku haysteen gobalada ay ka midka yihiin gobolka Bay, mid ka mid ah gabdhihii saaka u soo baxay soo dhaweynta wafdigan uu hoggaamianyey Xuseen Caydiid oo magaceeda la yiraahdo Xalimo Sheikh C/raxmaan ayaa wariyaheena u sheegtay in aysan u soo bixin soo dhaweeynta wafdigaan balse ay rabtay in ay indheheeda ku aragto Xuseen Caydiid oo ay sheegtay in ay magaalada Baydhabo ka qaxday markii ay maliishiyad- iisu qabsadeen oo aysan horay u arag kuna soo laabatay markii ay RRA ka saartay.
Xuseen Caydiid oo la hadlayeey dad-weyne wax-xooga ah ayaa sheegay in uu ka xunyahay wixii dhacay islamar-kana dalbaday in la cafiyo, intaa ka dib waxaa wafdiga loo gudbiyay xaruunta Madaxtooyada ee magaalada BAYDHABO, halkaas oo la filaayo in uu shir uga bilaaban doono kooxaha ku wada jira Golaha dib u dhiska iyo soo celinta Qaranka Somaaliyeed.
(BAYDHABO PRESS)
|