--

 Return to Index  

Go'aano muhim ah oo ka soo baxay shalay Guddiga Fulinta ee RRA sidii loogu dhisi lahaa

April 26 2001 at 2:06 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Go'aano muhim ah oo ka soo baxay maanta Guddiga Fulinta RRA sidii loogu dhisi lahaa Dawlad Goboleed dadka wada dega Koofur/Galbeed ee Soomaaliya.

Riverineland April 24,2001.Baydhabo Shir ay maanta isugu yimaadeen Guddoonka sare iyoGuddiga fulinta RRA, shir guddoomiyana ka ahaa Guddoomiyaha Ururka RRA, Xasan Moxamed Nuur (Shaatigaduud).

Shirka waxaa furey G/Ururka oo warbixin dheer ka bixiyay marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya mareyso maanta, isagoo qaabab badan ama tusaalooyin badan ka bixiyay wuxuuna tilmaamay baahida loo qabo in la dhiso maamul Goboleed oo ka kooban beelaha ku nool Koofur Galbeed ee Soomaaliya dhamaan xubnihii guddiga ee ka soo qeyb galey waxay cod buuxa ku ansixiyeen dhismaha Dawlad Goboleed si deg-deg ah.


waxaa kaloo la go'aamiyey in la dhiso Guddiyo ka kooban 51 xubnood kuwaa soo hawl gali doona sida ugu dhaqsiyaha badan, loona qeybiyey sidan hoos ku qoran.

b)-Guddiga Dastuurka oo ka kooban 17 xubin

t)-Guddiga Nabadgelyada oo ka kooban 9 xubin

j)-Guddiga Dhaqaalaha oo ka kooban 7 xubin

x)-Guddiga Abaabulka iyo Soodhaweynta oo ka kooban 13 xubin

kh)-Guddiga Kormeerka iyo Xiriirinta oo ka kooban 5 xubin.

waxaana dib laga soo sheegi doonaa xubnihii la doortey magacyadooda.

Riverineland.







 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement