--

 Return to Index  

IS-HORTAAGA CAAWIMADDA AGOONTA REER BAYDHABO AMA URARIDA XARUMIHII KUWII SHALAY

April 28 2001 at 7:13 PM
BAYDHABO PRESS 

 
BAYDHABO April 27, 2001 (BP) Waxaa qoraalkaan diyaariyay uuna naga soo gaaray Jaaliyada Digil iyo Mirfle ee dalka Kanada iyaga oo ka jawaabayey codsi uga yimid xaruumaha Agoonta ee BAYDHABO ayey waxay qoraalkaan oo dacwad ah u gudbiyeen Safiirka Dawlada Sacuudiga u fadhiya dalka Kanada. hor u dhac iyo qeyb ka mid ah qoraalki ay jaaliyadu gudbisayna waa kan:


IS-HORTAAGA CAAWIMADDA AGOONTA REER BAYDHABO AMA URARIDA XARUMIHII KUWII SHALAY AABAYAASHOODA LAAYEY EE XAMAR WAXAY DALIIL CAD U YIHIIN ISIR NACAYBKA CULIMADDA SOOMAALIYEED
________________________8*8___________________________

Inkastoo cinwaanka sare uusan wada saameyneyn dhammaan
culimadda soomaaliyeed ee Sharafta leh haddana in badan oo magaca lawadaaga gaar ahaan kuwa xafiisyada ka furtay xamar ee u Fara dhuudhuuban kaalmooyinka islaamiga ee musaacadooyinka carbeed ayagoo kala magacyo duwan Ayaa hadana waxaa wax la yaab leh noqday in wada noqdaan kuwo ukala sokeynin isir nacaybka ay u Qabaan ALTA-JUBBA & EHELADEEDA ama inta ku hadasha AFKA MAAYGA iyo guud ahaanba Qowmiyada DIGIL & MIRILE,
Ayadoo la hayo duc.badan oo cadeynaayo arintaa iyo magacyadii culimada & hay`aadka islaamiga ee soomaaliyeed ka howl- Gala muqdisho ee kala qaybgaatay GEN.CAYDIID & HUSEEN CAYDIID isir sifeyntii ay ku samayn Jireen dadka & deeganada DIGIL & MIRIFLE, gaar ahaan dilkii ,dhacii, boobkii & barakicintii ay ku-Sameeyeen reer CAYDIID goboladda BAAY & BAKOOL, culimadaas iyo hay`aadkaas oo u ahayd Masiibadii dhulkaasi macluul ay ku taajirayeen , mirihii kasoo baxana heshiis kula ahaayeen mujrimiintii Ay u taageersanaayeen asbaabo qabiileed iyo isir nacayb ay u qabaan umadda DM. Iyo ayagoo RAJO Ka qabay in kadib markay usuurta gasho ujeddooyinkooda isirsifeynta ah ay dhaxli doonaan deegaan , Dad iyo duunyo wixii ay ka tagaan, ka horna inay aduunyada ISLAAMKA & CARBEED , ahlu khayr Iyo hay`adahooda islaamiga ay ugu tijaara raadsadaan LAFAHA & QALFOOFTII caruurta, dumarka Iyo waayeeladda DM. Ee isbahaysigooda oo ahaa aabihii isir
sifeeyaha dadka DM . caydiid fursada u-Siiyey inay sawirada ka qaataan ayagoo koox-koox iyo keli-keliba ay naftu uga baxday ama ay si dhib Ahi ugu harsan
tahay , si ay ugu beer laxawsadaan cidkastoo aragta oo kamid ah walaalaheena carbeed Iyo islaameedba ayagoo ka faaideysanaya niyad samidooda iyo garashada iyo aqoon la`aanta ka haysa Dhinaca soomaaliya iyo isir nacaybka ay culimada dawarsada ay u qabaan dadka ku abtirsada meelaha Sawiradaasi laga soo qaatay , iyo ayagoon ogeyn in kaalmadooda meeshii loogu faa`ideyn lahaa DADKII Xaqa u lahaa loogu abaal & axsaan falaayo kuwa ku sameynaayo XASUUQA & ISIR_SIFEYNTA. Sabarkii dadkaas loo dhameynaayey keliya inuu ilaahay u
qadaray inay ku abtirsadaan ay ku hadlaana AFKA SOOMAALIYEED EE MAYGA, ayadoo ay isu kaashanayaan culimadooda iyo- Caydiidkooda , culimadaasoo qaarkood gaarsiisey inay carab & muslimiin badanba ay ka dhaadhiciyan CAYDIID wuxuu baydhabo u joogo inay tahay difaaca diinta islaamka ,dadkana u xasuuqaayo keliya - Inay yihiin gaala raac, ayagoo iska indha tirayaan in dadkaas & deeganadooba ay ahaayeen ,yihiin ayna Ahaan doonaan ehel islaameed & deegaanadii barashada diinteena,kuwasoo magacyadooda aan usoo Bandhigi doono walaalaha soomaaliyeed Culimadooda iyo caamahoodaba wakhtiga aan u aragno in ay Munaasab tahay, Ayaa RABI wuxuu qadaray in isir sifeyntii ay noqoto miday isku urursadaan, dhibaatadii Ugu bedelo dheef, gumaadkii lagu haayeyna ka gaarsiiyo guul , ihaanadii loo qabayna ugu khatimo ciza Iyo sharaf uu ugu soo dhiibay walaalahooda RRA Kadib, markii ay arintaasi dhacday culimadii aan waligooda ka hadlin dhibaataddii ,isir-Sifeyntii ay reer CAYDIID ku hayeen dadkaas & deegaanadooda, xitaa markuu intuu qabsasay kadib
Uu bur-buriyay maxkamadihii islaamiga ee ayaga lafdigooda lagu sharfay oo ay qaarkood kamid ahaa Kuwii lagu soo dhaweeyey inay ka hadlaan, ayaa maanta bilaabay inay dacaayad ay ku furaan oo ay u Ugu sheekeeyaan , carabaha , islaamka, soomaalida inteeda kale kuwa aan waxba ogeyn Iyo kuwa la wadaaga isir nacaybka DM, ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa in ummadda DM Ay gaala raac & itoobiya kalkaal ay yihiin sidaa darteed xitaa agoontooda aan
istaahilin kaalmooyinka , Carbeed iyo islaameedba, ayadoo aan weli la arkin culimo ayaga kasoo hartay oo siyaasad xisbi Iyo Isku xira agoon kaalmadeed , hadaysan ku jirin isir nacayb ay qabaan culimada noocaas. Waxayna ku guuleysteen in ay ku qanciyaan HAY`ADDA al -haramayn al-khayriyah Inay xirto xarumihii AGOONTA BAYDHABO ,ayna usoo rarto xarumo kuwii shalay agoonteeyey ee Aaba la`aanta ka dhigay ay ku leeyihiin magaalada XAMAR , haddii ay diidaana ay xariga kaalmada u Jarto xarumaheeda baydhabo, ayadoo aanay jirin sabab dadkooda AF_YAQAANAAN iyo DEEGA ANADA ay ku dhasheen inta laga soo raro looguna geeyo deegaan aysan u dhalan iyo dadkii shalayba Agoonteeyey. Sidaasi darteed , jaaliyadda somali-canadian ee canada , kadib markii ay warqad codsi Oo ku saabsan sidii loo badbaadin lahaa agoontaas xiryahooda ay albaabada u xirayaan culimo aan weli Calooshooda ka bixin CUQDAD iyo ISIR_NACAYB ay u qabaan ummadda DM., ayaa waxay xiriir La sameeyeen safaarada sucuudiga ee ottawa-canada, waxay ka wada hadleen warqad DIP.oo ay u- Gudbiyeen safiirka safaarada sucuudiga ka hor intaanay wada hadalka yeelan, ayadoo wax-walba ay Safaaradu sheegtay inay ku dhamayn dooto sida maslaxada ay ku jirto, ayna siin doonto ahmiyad Iyo Aragti gooni ah , ayaa Baydhabo Press ayadoo ay heshay COPY-kamid ah qayla dhaankii jaaliyadda Somali-Canadian-canadda ay u direen safaarada waxay balan qaaday inay usoo bandhigto ummadda Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba waqdaas oo ku qoran CARABI iyo aydoo ku tarjuman soomaali Si ay soomaalida niyada fiican ay u ogaadaan dhibaatada lagu hayo dadka DM.ee aan u kala harsanayn CULIMADA soomaaliyeed qaarkood & CAAMADA reer CAYDIIDEED, waana tan ;



KU: MD. DR..MOHAMED BINU RAJAA AL-HUSEINI
SAFIIRKA BOG.SAUDI -ARABIA -OTTAWA
CANADA
______________________________________

Uj: Qaydha-dhaan ay jaaliyadda somali-canadian ee canada ay udireen Safaaradda Bogortooyada saudi-arabia ee CANADA,si loo joojiyo Xiritaanka xarumaha agoonta ee BAYDHABO.
___________________________________________________


Md. Safiir,

Anagoo ah Jaaliyada Somali-canadian ee CANADA,waxaad naga gudoontaa salaan tii ugu Sharaf & fiicniba badnayd ,ayadoo aan idin wada rajeyneyno adinka, & dhamaan shaqaalaha safaradina Qaymaha leh caafimaad waara & towfiiq, shacabka walaalaheena ee sucuudiyeedna horumar kaamil ah Bash-bash & barwaaqo , xukuumadiina boqortooyada ahna ka guul-gaarida wax walba ay higsaneyso- Oo ka mid ah Cizaha & kor u qaadida sharafta islaamka & muslimiinta ku kala nool dunida dacaladeed.

Md. Safiir,

Ayadoo Jaaliyada som.canadian ee canada ay soo garsiineyso mustawihiina sare ,codsigaan Xambaarsan ixtiraam dhammaantii & qadarin u wada dhigma darajadiina wanaagsan & sharafta safaaradiina , waxaan rabnaa inaan fursadani uga faa`ideysano inaan idin muujino adinka iyo xukuumadiina Aragtida dheerba mahadcelinta gaarka ah ee aan idinku mahadcelineyno kaalmooyinka qaymaha badan Iyo dadaalka dheeraadka ah ee aad ka wadaan dalkeena si aad ugu gar-gaartaan shacabka somaliyeed Guud ahaan, & gaar-ahaan xarumaha AGOONTA ee magaalada BAYDHABO, oo ah gobolkii ugu- Dhibaatada badnaa intii ay socdeen dagaalaadii sokeeye, taasoo kasoo unkatay iimaankiina dhabta ah Iyo Mabaadidiina sugan ee ku aadan u gargaarida dhammaantood wixii walaal & saaxiiba idin ah ee kunool dunida oo idil , ayadoo ay dowladiinu uga danleedahay keliya raali-gelin RABI, fidinta barashadiisa iyo- Hergelinta dacwadiisa iyo ku dhagida shareecadiisa ee koonkan oo idil, ayadoo ay ajar uga raadineyso Rabigii na abuurtay oo keliya . Ayaa waxay rabtaa jaaliyadeena inay usoo gudbiso xukuumada boqortooyada saudi-arabia- Ayadoo ay usoo marineyso safaaradiina sharafta leh , sida ay uga xuntahay ugana murugeysan tahayna- Go`aankii kasoo yeeray hay`ada AL_HARAMAYN AL_KHAYRIYA ee ay ku xiraysay xarumaha- AGOONTA baydhabo, loona soo raro agoontaasi oo kudhow 1000-iyo cafishkoodaba magaalada - Muqdisho ugu dambayntii 1/1/1422 H, kuna aadan March 26,2001.

Md. Safiir.

Go`aankasi oo ka fajiciyey jaaliyadeena oo dhinac ah iyo hayadihii aadamiga e helay COPY- Kamid go`aankeedii ee kasoo baxay xafiiska ay ku leeday magaalada muqdisho ee soo baxay bishii 8/12/1422 H. oo dhinac kale ah, kaasoo ah go`aan aan la socon karin hay`adda hadafkeeda qiimaha - Badan iyo mustawaheeda sare ee ku saleysan dhaq-dhaqaaqeeda khayriga ah oo ay
asaas u yihiin Dul-qaadka islaamka iyo awooda uu u leeyahay la tacaamulka dhammaan jihooyinka kala afkaarta ah oo Idil, ayadoo an saameyn ku yeelan karin is-khilaafka qabiileed ama kooxeed ee ka jira goobaha ay ka- Howl gasho hay`adda ,kuwaasoo aan marna u adeegeynin ujeedooyinka islaamka ee dantiisu aan ahayn Hanti urursi & hadaf aduunyadeed ee raqiis ah midna , MAJIRTO micna kale ee u yeelan karo ee aan ka ahayn inuu yahay keliya iskuday gabaabsi ah oo ay sameeyeen madaxda xafiiska hay`adda ay ku Leedahay muqdisho ee isbahaysiga kula jira lana shaqaysta qaar kamid ah siyaasiyiinta muqdisho, ee ka Soo horjeeda wax kaleba daayee xitaa quudinta & u kaalmaynta caruurta islaameed oo kamid agoonta Asaaylayda ,iyo waayeelada u dhashay deegaanadaas, taasoo ay uga jeedaan keliya masaalix qabiileed Iyo iskuday looga jeedo siddii dadka deegaanadaasi loogu cadaadin lahaa inay ogolaadaan hoos tagida Siyaasada Gacan ku dhiiglayaasha shalay & maantaba , madaxda fidnada ee hadda ku sugan MUQDISHO , ayadoo aan ognahay inay jiraan waliba qaar kale oo- Qarsoon oo aan jirin dadaal ay u reebteen ama u reebanayaan sidii farsamo loogu heli lahaa ishortaaga Kaalmooyinka hay`adda al-xarameyn ee xarumaha agoontaas reer BAYDHABO , laga soo
bilaabo - Maalintii ay muqdisho kusoo laabteen FIRDHADKII burcadii QABIILADOODA ee isir sifeynta ka Waday deegaanadaasi,ee xooga loogu soo saray gobalka baydhabo.

Md.Safiir.

Ayadoo ay jaaliyadeenu diidan tahay kana soo horjeedo
siyaasadeyntaa kaalmooyinka islaam-eed iyo kuwa aadamiyeed ee hay`adda al-haramayn & dhammaan hay`adaha & ururada kale khayriga Ah ee saudiyeed iyo in ay ka dhigtaan madaxda xafiiska hay`adda ee muqdisho xirfad ay u adeegsadan Danahooda gaarka ah taasoo dhaawacaysa xumeynaysana wanaaga ay hay`adaasi usameyso agoonta Reer baydhabo & kuwa lamidka ah ee qaba jiniga qabiileed & cudur keligayeedka aan marna u adeeg-eynin Maslaxada dalka & dadka soomaaliyeed aana u ilaalineynin xuquuqda islaamka rabi daraadii tan Caruurta & agoonta Reer baydhabana cahdi & balan muslimeed toona, kuwaasoo ku guuleystay in ay- Hey`ada al-xaramayn ku qanciyaan albaabo ulaabida xarumahaas agoonta baydhabo ayagoo adeegsanayaan xujooyin been abuur ah arimo aan xaqiiqda ku saleysnayn ee ujeedooyin ay ka wataan ayadoo Magaaladaasi hoos imaaneynin amar ku taaglayntii burcada ee u dhashay qabiiladooda darteed, taasoo Gaarsiiyey xitaa inay ka xishoon waayaan inay agoontaasi ay u farsameeyaan siday uga goyn lahaayeen Galaaska biyaha ah & cambuuladda ay siiyaan haya`adda ay wakiilka uga yihiin xamar oo ugu dambay-tiina isugu biya shubatay inay xiraan xarumaheeda baydhabo .

Md,Safiir.

Sidaa darteed .. Jaaliyadeena waxay ka rajeyneysaa xukuumadiina boqortooyada inay daba- Gasho jihooyinkii ayagaba iska lahaa asaaska xarumahaas baydhabo si ay u bad-baadiyaan noloshaas Agoonta , kuna booriyaan kafiirsashada go`aankooda ee ay ku xirayaan xarumahaas agoonta ee reer Baydhabo, ama inay qaado talaabada ku munaasabsan arintaa ayada ah intaanay weli fursadu lumin. Maxaa yeelay talaabada noocaasi ee dhinaca xukuumadiina ahi, agoontaasi waxay usoo- Ceilineysa noloshooda , mustaqbalkoodana waxay ka dhigeysaa mid ifa, sidoo kale adinka & dowladii na aragtida dheerba waxay idin kordhin doontaa sharaf adduunya ah & abaalmarin ilaah iyo noqosho -Fiican oo aakhira ahaatay.


Md,Safiir.

Waxaad ogaaneysaan codsigeena ah in rajadeena aad u gudbisaan xukuumada khaadimul - al - Xaramayn al-shariifeyn lafdigeeda inay ka tarjumeyso kalsoonida & aaminsanaanta jaaliyadeena ah In codsigeena rajada ahi uu heli doono kuna dhici doono qalbi raxmadeed, lehna waalidnimo islaameed Mid aadamiyeed intaba. Ugu dambayntii, waxaan ku rajo wayn nahay waxaa warqdan ku qorani inay idinka kaafin- Doonto sharaxaad oofina doonto ujeedooyinkii loo oo qoray .

Waad mahadsantihiin


jaaliyada Somali-Canadian ee Canada




 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement