TALOOYINKII LAGA SOO GEEDIYAY SHIRKII CAALAMIGA EE AY HORAY U YESHEEN BEELAHA DIGIL/MIRIFLE
Shirka wuxuu ku soo aaday xilli siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan goballada koofurta Soomaaliya eey ka
jiraan dhaqdhaqaaqyo xoog badan oo rabo in la dhiso dowlad gobaleed (regional autonomy) iyada
ismaamusha. Waxaa lagu furay shirka aayado Quraan ah. Arrimihii lagaga hadlay shirka waxaa ka mid ahaa:
habka dowladeed ee federaalka ah iyo Koofurta Soomaaliya; dhismaha maamulka laga dhawaajiyey ee KS*;
dhibaatooyinkii loo geystay dadka iyo deegaanka KS; sidii looga shaqayn lahaa midnimada shacabka deggan
KS iyo arrimo kale.
Shirka wuxuu socday mudo dhan 163 daqiiqo. Dadka ka qayb galay shirka waxaa ku dheehneed qiiro iyo
dareen aad u sareeya oo aan la tilmaami karin, taas oo ku tusaysa midnimada walaaltinimo ummadda D/M ka
dhaxaysa. Hiriiriye walba, waxaa la siiyey waqti cayiman, oo ku soo gudbiyaan taladooda iyo wixii suaalaha ay
qabaan. Tayada dooda waxay aheed mid her sare ah, doodana ay ku socotay si cilmiyeeysan. Asluubta is
dhagaysigana dooda iyo tixgelinta qof walba waqtigiisa waxay aheed mid aan la iloobi karin, kana muuqatay
ilbaxnimo wayn, dhaqan iyo caado ay u leeyihin ummadda D/M..
Muddo ku dhow nus qarni ka hor ayeey shacabka Digil & Mirifle iyo siyaasiyiintooda u soo jeediyeen
soomaalida in la qaato habka federaalka, kaas oo ay u arkeen inuu yahay midka lagu gaari garo xukun caadil
ah. Laakiin, ma suurtoobin oo waxaa hor istaagay xoogag danno khaas ka lahaay. Dhib badan ka dib, hadda
waxaad mooddaa in soomaalida badankeed eey nala fahmeen in xalka uu ku jiro in Soomaaliya loo dhiso
gobollo leh maamulo madax banaan oo isugu yimaada dowlad federaal ah, qaar yar ayaa ka soo horjeeda oo
rajeynayno ineey nala fahmi doonaan, ayuu u sheegay dadkii ka soo qayb galay shirka mudane Sheikh Aden
Midoowe oo ah guddoomiye ku xigeenka RRA oo Shirka furitaankiisa ka hadlay. Shekh Aden, wxuu sheegay
oo kale in Kooxda Carte ay dhibaato ku hayaan dhanka nabagelyada, ayadoo adeegsanaya dadka degaanka
si xasilooni daro logu abuuro dadka D/M dhaxdiisa. Wuxuu kale oo tilmaamay dhibaatada dhaqaale ee
keentay lacagta been abuurka ah ee ka dambayso kooxda Carte.
Dood dheer ka dib, waxaa la isku raacay federaaliyadda ineey keeni karto qaybsasho awoodeed oo xaq ah,
eeyna tahay habka dowladeed oo waddamo badan oo adduunka ahi ku gaareen horumar, dowladaha
adduunka ee federaaliga waxaa ka mid ah: Maraykanka, Kanada, Jarmalka, Hindiya iyo Australia.
Dadka shirka ka qayb galay, waxay u arkaan in dowlad dhexe oo Muqdisho uun laga xukumo arrimaha
Soomaaliya ka shaqayn karin waddanka. Horey ayaa la iskugu dayey dhwor jeer waana fashilmeen. Waxaa loo
arkaayey waqti lumis, in lagu noqnoqdo jid dhamaadkiisa uu yahay burbur.
Inkastoo is bedello badan eey dheceen tan iyo markii Soomaaliya xorriyadda eey qaadatay 1960kii, waxaa
muuqatay in rabitaanka dadka ku nool KS ineey sameystaan maamul u gaar ah aan waxba iska bedelin, balse
uu sii xoogeysatey. Kulankan wuxuu xaqiijiyey fikradda siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle ineey ka tarjumeyso
rabitaanka shacbiga.
Dhisidda maamul gobaleed laga sameeyo KG ayaa iyadana si xoog leh looga dooday shirka, guddoomiyaha
gobolka Bay, oo magaalo madaxdiisa Baydhabo, lagu wado ineey noqoto xarunta maamulka KS, Maxamed
Ali Aden (Qalinle) ayaa ka hadlay xaaladda amaanka halkaas, wuxuu sheegay in meelaha uu gaarsiisan yahay
xukunka RRA eey ka jirto nabad gelyo buuxda, wuxuu ka muujiyey ineey gacantooda ku jiraan gobolada Bay,
Bakool, iyo qaybo ka mid ah gobolada Gedo, Shabeelaha Hoose iyo Jubbada dhexe.
Mudane Qalinle wuxuu sheegay in labadii sanno eey xorta ahaayeen maamulka
gobolkaas eey muujiyeen dadaal badan oo ah xagga wax soo saarka, dhismaha iyo waxbarashada. Waxaa la
beeray dhul badan oo, “mesego badan ayaa u soo go’day dadka” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bay.
Dadka qaar waxay shaki ka qabeen, shaqsiyaadka ka qayb galay shirka Ceel Barde, oo qaar ka mid ah
ahaayeen saraakiil sare ee rajiimkii Siyad Barre, loogana baran ineey ka shaqeeyaan danta runta ah ee dadka
ku nool goboladaan, ineey isla soo sameyn doonaan maamul xaq ah. Madaxda RRA ee ka qayb gashay shirka
waxay u xaqiijiyeen dadka, in danta dadka iyo deegaanka laga hor marin doono wax walba, lana tix gelin
doono cid walba oo deggan dhulka, beel walbana la siin doono mudnaanteeda (sida loo kala deggan yahay).
Aqoonyahaniinta iyo siyaasiyiinta joogta dibadda waxaa loogu baaqay ineey ka qayb qaataan dhismaha
hay’adaha laga hirgelin doono degaanka. Hay’ado (institutions) ka shaqeeya dhinacyo kala geddisan ayaa la
sheegay in loo baahan yahay, Kuwaas oo daboola baahida xagga caafimaadka (dadka & xoolaha),
waxbarashada iwm.
Xaquuqda insaanka iyo tan mawaadinka muhimaddooda ayaa ka mid ahaa waxyaabihii talooyinka laga soo
jeediyey, weliba dadka laga badan yahay(minorities) in xaqooda la sugo ayaa lagu taliyey.
Kaalinta haweenka Digil iyo Mirifle iyo xaaladooda ayaa waxaa warbixin ka bixisay Faadumo Maxamed
Xuseen [Faayow], oo mar dhow waddanka ku laabatay. Faadumo waxay sheegtay in haweenka dhib xoog leh
ka soo gaaray xasuuqa loo geystay goboladaas, iyadoo saas eey tahayna si buuxda ayeey uga qayb qaateen
howlaha ah: daaweynta bukaanka, quudinta masaakiinta, daryeelka ilmaha iyo xoreynta dhulka. Faadumo
waxay ugu baaqday haweenka dibadda in looga baahan yahay dadaal saa’id ah. Waxaa kaloo doorka
haweenka ka hadlay gabdho kala jooga Kanada iyo Ingiriiska, oo sheegay ineey diyaar u yihiin ineey ka
gaysan doonaan kaalmo sidii dib loogu dhisi lahaa waddanka.
Taageero dhaqaale oo aad u fara badan ayeey u balan qaadeen dadkii ka soo qayb galay shirka ineey u fidin
doonaan dadka ku howlan howlaha lagu dhisaayo maamul gobaleedka iyo wixii la xiriira.
Dadka naafada ah(disable) haloo sameeyo barnaamij lagu kaalmeeyo ayaa talo lagu soo jeediyey. Runtii,
maadaama hadda la bilaabi doono dhismo maamul iyo dhismo waddanba waa muhiim ah in la tixgeliyo dadka
naafada sidii xaqooda loo dhowri lahaay, oo eey uga mid noqon lahaayeen qaybaha bulshada, loogana
faa’iideysan lahaay awoodooda.
Sidii loo heli lahaa qalab warbaahin casri ah, oo loo ballaarin lahaa Raadiyo Baydhabo oo ku hadla afka
maayga ayaa la is weydiiyey. Shariif Roobow oo ah madaxa idaacadda baydhabo ayaa sheegay ineey ku tala
jiraan sidii loo horumarin lahaa tayada iyo tirada barnaamijyada. Waxaa la xusay in dadka dibadda eey
mardhow idaacadda Baydhabo kala socon doonaan internetka.
Qarnigii la soo dhaafay dhib aad u badan ayaa soo gaaray dadka Digil iyo Mirifle. Gumeysi shisheeye, mid
sokeeye ayaa dadkeena soo maray, kaasoo saamayn xoog leh ku yeeshay dhinacyada dhaqaalaha,
waxbarashada, caafimaadka iyo nolosha guud ahaanba, ayuu sheegay Dr. Abdullahi Sheikh oo ka mid ah
madaxda RRA.
Dr. Abdullahi oo ka hadlaayey dhibaatada wuxuu sheegay, in Shabeelaha hoose uu ka jiro dhib xoog leh, dhul
beereedkii oo xoog lagu haysto, cabsi-gelin(intimidation), kufsasho iyo dil ayaa lagu haayaa dadwaynaha
gobalkaas. Dadka waxay ku jiraan xaalad addoonsi ah ayuu ku daray profesoorka. Talo ahaan waxaa loo soo
jeediyey in la sameeyo wax alla wixii suura gal ah sidii dadkaas dhibka looga bixin lahaay.
Dhibka waawayn meelaha uu saameeyey tobankii sanno ee la soo dhaafay waxaa ka mid ah deegaanka (the
environment). Geedo aad iyo aad u tiro badan ayaa la jaray oo laga dhigay dhuxul oo loo dhoofin jiray dibadda.
Laga soo bilaabo 1999kii waxay sheegeen RRA iney joojiyeen ama mamnuuceen gubidda dhirta dhamaan
degaanada eey ka taliyaan.
Mar la weydiiyey dhibka maxkamad ku sheegta ku haayaan Shabeelaha Hoose, Dr. Abdullaahi wuxuu sheegay
ineysan jirin maxkamad oo yihiin muryaantii oo shaatiga soo bedeshay. Haddii eey yihiin maxkamad oo weliba
Islaami ah, waxay wax ka qaban lahaayeen tuugada beeraha dadka ka dhacay, oo addoonsiga ku haaya
dadwaynaha degaanka ayuu ku daray hadalkiisa.
Dr. Abdullahi wuxuu tilmaamay meel u dhow Qoryooleey lagu qabtay shir lagaga hadlaayey sidii looga saari
lahaa muryaanta gobolka Shabeellaha Hoose. Taas oo uu sheegay in ilaa hadda guul wayn laga gaaray lana
filaayo in mustaqbalka dhow dhamaan
dhulka la wada xorreyn doono.
Shirka waxaa ka hadlay dad fara badan oo ka dhiibtay warbixintooda iyo talooyinkooda, nasiib daro
warbixintaan gaaban kuma soo koobi karno dhamaantooda.
“Guul ayuu ku dhamaaday shirka” ayuu yiri Sheikh Aden Midoowe oo soo gabagabeeyey shirka, wuxuu ku
baaqay in laga shaqeeyo midnimada ummadda. Waxaa laga rabaa qof walba inuu ka soo baxo kaalintiisa
sidii loo gaari lahaa xornimo buuxdo loona horumarin lahaa waddanka ayuu tilmaamay guddoomiye ku
xigeenka RRA. Dhamaan dadkii ka soo qayb galay shirka waxay ku baaqeen:
1. In dhulka la haysto ee KS lagu xorreeyo sida ugu dhaqsaha badan, lagana faaideesto fursada maanta la
haysto.
2. In si deg-deg ah loo sameeyo dowlad goboleed KS(Sh. Hoose, Bay, Bakool, Gedo, J. Dhexe iyo J. Hoose).
3. In xubnaha baarlamaanka ku meel gaar ah ee KS hab degmo lagu soo xulo iyadoo la tixgelinaayo beelaha
degmadaas deggan saamigooda, marka muddada ku meel gaarka eey dhamaatana lagu soo doorto hal qof
hal cod.
4. In dadka ku naafoowey dagaalka hureenta si buuxda wax loo qabto, iyo haweenka iyo caruurta ay ka tageen
intii ku dhimatay dagaalka.
5. In la xoojiyo warfaafinta, si kor loogu qaado wacye gelinta ummadda D/M.
6. In danta ummadda laga hormariyo wax walba.
7. In dadkii dambiyada xun-xun geeystay la horkeeno maxkamad waqtiga ku haboon.
8. In xiriirka jaaliyadda dibadda iyo gudaha la xoojiyo lana sii ballaariyo, iyadoo loo sameeynaayo guddiyo
hoosha lagu ogyahay..
9. Guddi heer caalami ah oo u ololeeya KS in la sameeyo.
10. In si deg-deg ah loo sameeyo guddi wax ka qabta arrimaha lacagaha been abuurka ah iyo sidii looga
badbaadin lahaa dadka dhibaatooyinka dhaqaale eey leeyihiin, taas oo aad uga daran dagaalka xabbadda.
11. In mag dhow la waydiisto dowladda Talyaaniga dhibkii foosha xumaa ee gumaysiga eey ka sameeyeen
gobalada KS iyo kaalmadii uu siinaayey muddadii gumaysiga sokeeye uu jiray.
12. In la sameeyo dastuur iyo axdi xaquuqul insaan ah (human rights charter).
13. In aqoonyahanada dibadda iyo gudaha maamulka laga qayb geliyo. Ayadoo loo eegaaya qof walba halka
uu ku haboonyahay(right person right place).
14. In la dhiso hayado(istitutions) nolasha iyo hurumarka dadka wax ka
qabta.
15. In la dhira geliyo maal gelinto, si loo gaaro hurumar deg-deg ah.
Ugu dambeyntii waxaa soo dhoweyneynaa wixii faalo ama talo oo aan ka tagney inaad ku soo hagaajisaan
e-mail: d_m_world@yahoo.com ama Tel: 416-241-1616
Fax: 416 -247-9187
Liiska Xiriiriyayaasha Barnaamijka:
1. Inj. Abdulkadir Mohamed Abow Toronto, Canada
2. Inj. Hassan Abukar Melbourne, Australia
3. Shamso Xaaji Cali Ottawa, Canada
4. Sheekh- Noor Abukar Qaasin Rogestar, USA
5. Abdullahi Mohamed Idris ( Lesto ) Mineapolis, USA
6. Mohamed Sharif Omar Washington, USA.
7. Dr. Ahmed Ali Ibrahim ( David ) Utah, USA.
8. Axmed Ibraahim [Axmed boqol] Atlanta, USA.
9. Cumar Axmed Macalin Colorado, USA.
10. Axmed Xusen Xasan [ Axmed Chicago ] Chicago, USA
11. Ugaas Xaaji Maxamed Barbaar Nashvile, USA.
12. Xaaji Sidow Abukar Columbus, Ohio. USA.
13. Abdirashid H. Hassan London, Uk.
14. Ahmed Ali Gaddud Danmark
15. Maxamed Abow Mayow Zurikh, Switzerland.
16. Xasan Cusman Cali [ Xasan Yarow] Geneva, Switzerland
17. Cali Caama Amesterdam, Holland,
18. Xaajiyo Nuurto. M Rome. Italy
19. Mohamed H. Ali Maamow Oslo. Norway
20. Cabdullaahi Maxamed Mursal Finland.
21. Xassan Sharif Stockholm. Sweden
22. Maxamuud M. Eenow Sweden
23. Prof. Cumar C/raxmaan Sweden
24. Abdirisak. a. Mohamed Copenhagen, Danmark
25. Mohamud Amin Mohamed Dubai, U.A.E.
26. Maxamed Farketti Sydney, Australia
27. Ibrahim E. Mohamd Toronto, Canada
28. Adan Ali Bulle Liverpool, UK.
29. Adan Mohamud Khartum, Sudan
30. Nurta H. Berkan Florida, USA
31. Mohamed Ibrahim Omar(Sharif) London, Ont., Canada
32. Abdullahi Tawa California, USA
33. Ali Shekow Seatle Washington, USA
35. Ahmed Shekh Nairobi, Kenya
36. Mohamed Hassan Bonn, Germany
37. Awes Shekh Melbourne, Australia
38. Abdullahi H. Hassan Tennese, USA
39. Mohamed Ali Adan(Wanag) Utah, USA
40. Aliyeey Hussen Danmark |