DHAQDHAQAAQA CIIDAMADA RRA-da OO SOO GAARAY GOOBO U DHOW TUULADA LEEGO
mic-16-05-2001, Ciidamada Xoogagga wax iska caabinta Raxanweyn RRA ayay wararka ka imaanaya Magaalada Buur hakaba sheegayaan in sahanka ciidamadooda uu soo gaaray goobo wax yar ka durugsan Tuulada Leego.
Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in Ciidamada RRA oo ay la socdaan Saraakiil Itoobiyaan ah ay soo gaareen deegaano ka tirsan Qoryooley haseyeeshee ay hakad geliyeen Biyo ka yimid Wabiga Shabeele oo soo fatahay.
Source: midnimo.com
|