Ciidanka Ururka RRA ee gobolka Sh.hoose oo Amar lagu siyay inay heegan noqdaan
Marka (Arlaadi News) Arbaco,May 30,2001- Wararka naga soo gaaraya G/Shabeelaha hoose waxaa ay sheegayaan in Ciiddan dhan shan guuto oo ka tirsan Ciiddanka RRA ee jooga goob aan la magaacbin oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose amar lagu siyay inay u diyaargarooban dagaal adag si ay u xureeyaan dhulka D/M ee cadowga xoogga ku heysto.
Taliyaha Ciidanka RRA Qeybta G/Shabeelaha hoose oo u waramayey Wariyaha (Arlaadi News) ee la socoda Ciidanka RRA ee qeybta G/Shabeelha hoose ayaa u sheegay in awooda Ciiddanka RRA lagu qabo kalsooni buuxda oo hal guuto oo ka tirsan Ciiddanka RRA ay ku xoreeyn karaan gobolka Shabeelaha hoose muddo ka yar 24 saacdood.Waxaa kalo uu Taliyuhu inta ku daray in gobolka shabeelaha hoose laga saari doono maleeshiyada xaaranta isku baahaysatay sidii looga saaray gobolada Bay iyo Bakool hadii ay diidan in ay ikhtiyaar ku baxaan si looga badbaado dagaal khasaaro badan keeno oo ay dad badan ku hoobtaan.
Dhinaca: kale maleeshiyaadka isku magacaabay Maxakamadaha Islaamiga oo taagera Kooxda Carta ayaa lagu amray inay iska waabiyaan weerarkan RRAdu ee ku soo wajahan si aanu gacantooda uga bixin gobolkan hodonka ah, kuwaas oo sida wararku sheegayaan tiradoodu lagu qiyaasay ilaa iyo 400 maleshiyo.
Dhinaca: kale waxaa la sheegaya in magaalada Muqdisho ka baxay maleeshiyo aad u tiro badan oo taabacasan Kooxda Carta oo ku sii jeeda dhanka Afgooye una hogaaminayay Md.Maxamed Nuur (GALAAL) oo ay qaraabo dhow yihiin Md.C/qaasim.Salad Xasan oo ah madaxa Kooxda Carta.
Arintu si kastaba ha ahatee waxaan shaki ku jirin in laisu adegsanddoono hub aad u culculus waxaa halkaas ku dhimanddonana ay wada Soomaali yihiin taas oo ah arin la ga xumaado.
Arlaadi.com |