--

 Return to Index  

Ciidamada RRA oo u soo talaabay degamada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose

June 10 2001 at 1:55 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Ciidamada RRA oo u soo talaabay degamada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose

QORYOOLEY Jun 10, 2001 (BP)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Qoryooley ee gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in ay soo gaareen meelo ku dhawo magaalada Qoryooley ciidamo aad u ubaysan oo ka tirsan ciidanka RRA.

Waxaa kale oo uu warku sheegay in uu xirnmaya garoonkii diyaaradah ee Ballidoogle oo ahaa garoonka kaliya oo ay isticmaali jireen Dowlada ku meel gaarka ah ee uu madaxda ka yahay Cabdiqaasim Salaad amaan daro iyo cabsi la sheegay in laga qabo in ay soo gaaraan rasaasta RRA.

Waxaa maamlahaan danbe guud ahaan ka jirta gobolka Shabeelaha Hoose cabsi dagaal ka dib markii ay todobaadkii hore ciidamo ka amar qaato DKM oo uu hogaaminayey General Galaal ay ku dileen degmada Wanlaweyn oo ahayd halkii uu ku dhashay sarkaal sare oo ka tirsana RRA-da lana oran jiray Sheikh Abuukar, iyo iyada oo uu Cabdiqaasim laftigiisu sheegay in aysan diyaar u ahayn in ay ka soo baxaan meelaha ay ciidamadiisu ka jogaan gobolka Sh/hoose isla markaana ugu baaqay Beshiisa in ay sameyaan waxa uu ugu yeeray maamul goboleed taaso ka caraysiisay dadweeynaha Digil iyo Mirifle ee u dhashay degaanka Shabeelaha Hoose.

Waxaa haatan ku sugan gobaha hore ee gobolka Shabelaha Hoose Saraakil ka socota qeybaha kala duwane Ciidanka RRA, iyo mas'uliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Ururka RRA Col: Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] guddomiye ku xigeenka 1aad Sheikh Aadna Madoobe, Aadana Maxamed Nur [Saransoor] iyo mas'uliyiin kale oo badan.


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement