--

 Return to Index  

Ra'iisul wasaaraha DKM Cali Khaliif oo lagu edeeyay in uu lunsaday lacag dhan hal milyan

July 5 2001 at 8:58 AM
BAYDHABO PRESS 

 
Ra'iisul wasaaraha DKM Cali Khaliif Galayr oo lagu edeeyay in uu lunsaday lacag dhan hal milyan oo dollar

MUQDISHO July 1, 2001 (BP)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasiirka Maaliyadda ee DKM Sayid Axmed Sheikh Daahir uu todobaadkaan ka hor sheegay shir uu isugu yimid Baarlamaanka DKM in Cali Khaliif Galayr uu ka qaatay lacag dhan hal milyan oo dollar oo aan la ogeyn waxa uu ku sameeyay, waxaa sidaa oo kale uu Sayid Axmed sheegay in Guddomiyaha Bankiga dhexe ee DKM sidaa oo kale ay ku dhuntay lacag dhan hal milyan iyo bar oo dollar.

Lacagahaas la kala boobay ayaa ah lacago ay Dowladaha Carabtu ugu deqeen Ummadda Somaliyeed ee dhibaataysan in wax loogu qabto, tan iyo intii la dhisay DKM lama sheegin wax dhaqaale ah oo gaaray gobolada dalka oo ay ku noolyihiin Ummadda Somaaliyeed inteeda badan, waxaa ay dad badan shegeen in deeqihii la baxshay ay soo dhaafi wayeen magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxda DKM.

Edeyntaan loo soo jeediyay Cali Khalif waxaa ay dhabar jab ku noqotay Xukumadda C/qaasim Salaad oo ay haatan dad badan u arkaan mid u taagan sidii ay uu boobi lahayd hantida iyo deeqaha lagu soo qaado magaca Somaaliyeed, iyo iyada oo Cali Khaliif Galayar markii horeba ay ummaddu shaki weyn ka qabtay isaga oo horey u dhacay hanti Qaran hada ka hor.



(BAYDHABO PRESS)




 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement