--

 Return to Index  

Warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa xaalada gobladda koonfureed ee Somaaliya gaar...

July 5 2001 at 9:12 AM
BAYDHABO PRESS 

 
Warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa xaalada gobladda koonfureed ee Somaaliya gaar ahaan gobolka Baay

Warbixintii Safarkeyga:

BAYDHABO JULY 5, 2001 (BP)-Subaxnimo Jimco ah 25/05/01 ayaan ka anba baxney magaalada Muqdisho aniga iyo intii ila socotey waxaan tagney Tuulada Leego 9:00 kii Subaxnimo, Leego waa farisiinka ciidan ee Habargidir ugu danbeeya waxay naga saareen Miinooyinkii wadada ku jirey waxayna na fasaxeen 2:30 Duhurnimo qiyaastii todobo daqiiqo ka dib waxan gaarney goob caan ah loona baxshey kala wareega, Kala wareega waa centerka u dhaxeeya labada ciidan waxaa ku kulma gawaarida ka tagtey Muqdisho iyo kuwa ka yimaada Baydhabo halkaas oo ay ku kala warejistaan rakaabka, gawaarida raran ee saaran badeecadana waxaay u gudbaan si toos ah, Kala wareega ma ahan meel looga bogan karo sheeko waa goob ay ku kulmaan in kor u dhaafeysa boqol gaari iyo dad aan tiro lala gaarin, dadweynaha waxay si aan garsho laheyn ugu kala yacaan gawaarida ayagoo ka baqeya in ay meesha ku qabato gaari la’aan si kastaba goobtu waa Qiyaamaha Aaduunka, waxaan xasuustaa oo aanan iloobi doonin Hooyo wadata shan cunug kana timid Muqdisho oo ilmeyneysa, waxaan weydiiyey sababta ku kaliftey oohinta waxay igu tiri sidaan:

"ninkeygu xanuun dartii ayuu sariir la saaran yahay, waxaan wataa shantaan caruur iyo gabar la dhalatey ninka aniga I qaba, waxaan waayey wax ila saara baabuur caruurta ugu danbeyntii anigoo welwelsan waxaan ku guuleystey in aan gaarigaan raaco mar ala markaan caruurteyda iyo aniga fadhi helney waxaan daqiiqdo yar gudahooda iloobay gabadhii dumashidey aheed iyo alaabtaan watey oo aan uga soo tagey baanaan cidla ah, sidaas ayaana looga soo tagay gabadhii dumashideed aheed iyo alaabtii!!! oo aan dib loogu noqon, waxaad arkeysaa tiro alaab ah oo mesha ku luma, aniga naf ahanteyta waxaa igaga lumey Payment Vochers, walow aan heley labo todobaad ka dib.



Baydhabo:

Waxaan galney 6:00 Maqrabnimo magaalada Baydhabo, jawiga magaalada Baydhabo waa mid ka duwan magaalada Muqdisho, waxaa ka jirtey qabow wata dhaxan iyo jawi degan waxaa si xarago leh isu dhaafa gawaarida yar yar ayadoon hub lala saarneyn, goobo ganacsi oo aad u camiran ayey indhaheygu qabteen, xaga nadaafada degaanka way ka wanaagsaneed muqdisho, dadweynaha waa kuwo ku faraxsan xaalada nabadeed iyagoo inta badan xasuusta taariikhii ay kal soo kulmeen dagaaladii soo marey, magaalada waxaa ku soo kordhey dhismooyin cusub iyo kuwo la dayac tireyo, shaqo la,aantu waa mid aad u sareysa, inta badan dadka waxay weydistaan kaalmo cidii ay wax ku tuhman, isku soo duub Baydhabo waxaa jooga shacab u diyaar ah xukun oo aan helin maamulkay u baahnaayeen.



Nabadgelyada:

Magaladani nabadgelyada ay leedahay waa mid rabaani ah, Safarada ka yimid Muqdisho, Bakool, Gedo waxay ku joogaan si xoriyada ah, gawaarida u safarta Gobolada iyo Tuulooyinka ma lahan wel wel mana saarna dabley ilaalisa, Dadka u socdaala tuuloyinka dhow dhow si xor ah ayeey waxay rabaan u qataan, waxaad ku arkeysaa magaalada dhaxdeeda oo ku lugaynayaan hogaamiye koxeedyada ay ka midka yihiin Moorgan, Gebyow, Cumar X. Masale, Saldhiga Booliska waa mid shaqeeya, dadku waxay u hanqal taageyaan nidaam ka duwan midka hadda jira, waxay rabaan maamul dowli ah, amaba Dowlad goboleed, waxaad arkeysaa dad aan badnayn oo ku weydiinaya dowlada Carta lagu soo dhisey rajadeeda, halka kuwa kalena aan lala soo hadal qaadi karin, maamulka magaalada ka dhisan kama marna musuqmaasuq iyo wax isdaba marin haddana si kastaba maamulka gacantooda ayuu ku jirtaa, Magaalada waxaa ku sugan ciidamo xooga ah oo Majerteen iyo Ogadeen isugu jira, ma qorsha yara siyaasada ka jirtay halkaas, waxaan ku tilmaami karaa Proposal aan la ogeyn halka uu ku dhamaanayo ayaa ka jira, Degaanada Bay, Bakool, Jubada Dhexe iyo Gedo kuma arkin Ciidamo Itobiyaan ah waxaase inta badan jooga Korneyl Itobiyaan ah oo la shaqeeya RRA lana yiraahdo Tafase.



Dhaqaalaha iyo Caafimaadka:

Xili roobeedka sanadka waa mid aad u liita beeraha wax ka soo go’ay ma jiraan, waxaad arkeysaa boqolaal dadkii beeraleyda ahaa oo ku soo qulquleya magalada Muqdisho, qiyaastii ilaa 450 Qof ayaa Jimco walba ka soo taga magalada Baydhabo, hadana kama jirto macaluul iyo gaajo laga argagaxo, Maamulka magaalada waxaa ay xareeystaan jimco walbaba ilaa 200.000.000 (milyan). Canshuurta laga qaado ganacsatada waa mid aad u badan hal xabo oo feero duntiino ah waxay canshuureen 0.50 Dollar, hal kiish oo shamiindo ah waxaa la canshuurayey $1.05,dollar. Shirkad la yirahdo Mumin General TRDG.Co. ayaa waxay ka wadaa Biyo gelin magaalada waxayna gelisey dhaqaale kor u dhaafeya 200.000 Dollar, sidoo kale waxaa maalgashi ku sameystey shirkadaha taleefonada muqdisho, magaalada waxay u baahan tahay maalgashi aad u balaaran, walow nabadgelyadeeda aan aheyn mid mar walba la isku haleyn karo, dhaqaalaha dadku aad ayuu u liitaa, hadana waxaad arkeysaa Qaadka oo maalin dhaaf u soo dega laguna iibsado Marduufkii $7.00 Dollar, Magaalada ma lahan cisbital hada shaqeeya, maamulka magaaladana iskuma howlin sidii loo howl gelin lahaa, Isbitaalkii gobolka maran tagey kuma arkin bukaan tiro badan maraan weydiiyey sababta loo daryeeli waayey cusbitaalka waxay ii shegeen in tirada shaqaalaha oo gaareysa 120 Qof ay ku noqotey caqabad mar la isku dayey shaqaale dhimidna ay suurtoobi weydey, Hayadaha samofalka ma dhaafisna waxqabad kooda Repot ay qoraan waxaana taas daliil u ah sedax heyadood oo cafiimaad ayaa ku sugan (WHO, UNICEF, IMC) waxayna ilaa iyo hadda wax ka qabanin baahida Cisbitaal ee ka jirta magaalada.



Waxbarashada:

Magaalada tirada dadkeeda iyo waxbarshadeeda waa mid aan isku dheeli tirneyn, labo iskuul ayaa ka furan macalimiintu ma qataan mushaar rajo ayey ku joogaan mana ahan mid ku rajo gelineyaa waxbarashada ubadka soo koreya (Bulsho aayaheeda ifaya waxaa lagu gartaa ubadka soo koreya) maamulka magaalada kuma baraarugsana baahida waxbarasho halka ay kaga baraarugsan yihiin jagooyinkooda. Waxaa ka furan hal iskuul Computer iyo labo English privet, hayad carbeed ayaa hada dhistey xaruun laga rabo iskuul.



Siyaasada Degmada:

Lama sadaalin karo siyaasada Gobolkaas halka ay biyo dhigan doonto, hogaanka gacanta ku hayana waxaay ka dab qataan dowlada Itoobiya, Hogaanka hoose ee ururka RRA waxay ka mideysan yihiin siyaasada iyo hadafka oo ah in la iska ilaaliyo wax ala wixii Xamar ka yimaada oo siyaasad ah, halka ay hogaanka sare isku heystaan maamulka iyo gacan ku heynta Ururka RRA, si kastaba kama marna ismaandhaaf siyaasadeed iyo faragelin siyaasadeed oo kaga timaada banaanka, taageerada ay odeyaasha iyo Malaaqyada u hayaan hogaanka sare ee Ururka RRA waa mid isku dhafan, Baydhabo waxaa ku sugan odeyaal iyo Malaaqyo ku xiran Dowlada Carta, Odeyaashani dhowr jeer ayaa la xiray mana awodaan in ay talaabadey rabaan qaadan.



Qoxootiga:

Tirada qoxootiga ka haajiray degaanada Digil iyo Mirifle ee Koonfurta Somaaliya gaar ahaan degaanka BAAY waxaay sii kordheysaa todobaad kasta, waxayn magaalada muqdisho uga sii gudbeyaan gobolada waqooyi Bari (Bosaaso) halka Muqdishana ay ku hakadaan kuwo yar, 15 May, 2001. fiidkii waxaa ku rogmadey gasarta oo (12km) u jirta Baydhabo gaari Bas ah oo ay saarnayeen dad kor u dhaafaya 100 Qof, waxaana ku geeriyoodey ilaa 35 Marxuum.



Xuddur:

Waxaa ii suurta gashey in aan u gudbo Magaalada xuddur subaxnimadii 02.06.01, waxan tagey Duhurkii, Xuddur waa magaalo ka sii nabadgelyo badan Baydhabo, kana dad yar, kana dhaqaale yar, kana ilbaxnimo hooseyasa, ma lahan isgaarsiin iyo tiknoljiyada casri ah, Dadkii reer magaalka ahaa in ka badan 4/3 wey hajireen oo waxay ku kabmeen Baydhabo iyo Muqdisho, sidoo kale waxaa nabaad guurey dhulkii dhisnaa ee ahaa xaruumihii dowlada waxayna ku darsameen dhulka, sidoo kale waxaa sii baa’bi haya guryaha rayidka, shaqo la,aantu waa mid sareysa, dhaqaalaha ugu weyn waxaa uu ka soo galaa hayadaha samofalka oo ay ka shaqeyaan150 Qof oo shaqaale ah iyo 10 Baabuur oo u kireysan, magaladani kuma badna isu socodka gawaarida, ugu badnaan todobaadkii waxaa dhinaca Muqdisho ka soo gasha ilaa sedax gaari oo xamuul ah.



Waxbarashada:

Dhab ahaantii waxbarashada gobolka waa mid ka liidata gobolada kale ee dalka, hase ahatee bulshada deegaanku waxay u hamuun qabaan waxbarsho tayo leh waxayse heynin cid ku kaalmeysa waxaa ka furan labo iskuul oo ay dhigataan 750 ilaa 800 Ardey ma lahan kuraas lagu fariisto, ardeyda iyo macalimiinta intuba waxay fariistaan shamiintada iskuulka, Hay'ada Unicef ayaa u dabooshey dugsiga hoose dhexe ee Shodoq una sameysey koraas.



Caafimaadka:

Magaalada Xuddur waxaa shaqeeya isbitaal ku meelgaar ah (xeradii ciidanka malitariga) oo ay maalgelisey heyada MSF, waxayna qabataan kiisaska fudud halka kuwa culus aan loo heyn meel lala aado, maraan tagey isbitaalka waxaan arkey 25 caruur ah oo aad u liita lagana daaweyneya cuddur ku dhaca Beeryarada maalintii waxay qaabilaan ilaa 50 bukaan ah, Heyadaan waxay cadeysey in qandaraaskeedu ku eg yahay May 2002, hey'ada IMC ayaa Health boosyo ka hirgalisey ilaa 20 tuulo.



Dhaqaalaha iyo Nabadgelyada:

Gobolkani waxaa soo gasha ilaa 30 Milyan bishii, waxaase jirtey xili ay soo geli jirtey 70.000.000 (milyan) oo aan muuqan halka lagu baxshey, dhaqaalaha ugu weyn waxay ka heshaa magaladani heyadaha samo falka oo baxsha qandaraasyo iyo shaqaale ay qorteen halkii qof oo shaqaale heyadeed ah waxaa laga qadaa $3.00 bishii, halkii baabuur ee u kireysan heyadna waxaa laga qadaa $25.00 bishii, maamulka gobolka iyo kii degmada markii ay waayeen dhaqaalihii ay heli jireen (xiligii 70ka milyan) waxay u waregeen gobolka Bay halkaas oo aad ku arkeyso derbiyada iyo wadooyinka ayagoo ka dabo wareegeya waxaan ummadda danaheeda aheyn, Daaqa sanadka ma wanaagsana hase ahatee wuu dhamaa midka Baydhabo, waxaa la ii sheegey Geel lagala soo qaxay Abaarta gobolka Gedo in uu daaqo Howdka Bakool (ceelberde) haddi xili robeedka Dayrta uusan si wanaagsan u di'in waxaa mugdi geleya xoolo badan oo degaanadaas ah, Nabadgelyada waa mid la isku haleyn karo dhinac walbaba waxaa la ii sheegey in lacagta lagu rarto Dameero una kal gudubto tuulooyinka iyo degmooyinka gobolka, Boliis ayaa shaqeeya walow is qabqabsiga dadku yahay mid aad u yar.



Gebo-Gebo:

Haddii aan wadan lahaa Vidio Camera waxaan awoodi lahaa in aan soo gudbiyo warbixin tayo leh imase suurtoobin waxaanse idinku dhiiri gelineyaa in degaanadii laga soo farcamey loo fiiro lahaado, Daar Sedax dabaq ah oo ay deganeed shirkada isgaarsiinta Olmpic Muqdisho iskana lahaa Faarax sindiko waxaa iibsadey shirkada Barakaat oo ku iibsatey 650.000. Dollar, agagaarka Bakaaraha ilaa wado mareyxaan waxaa ka socda dhismo guryo dabaqyo ah oo gaareya ilaa 20 guri, Boos banaan oo aan wax ka dhisneyn agagarka waddo marexaana ku yaala waxaa la kala siistaa ugu yaraan 80.000 Dollar iyo in ka badan, waxaan arkey Bakhaar aan hor marey 8:00 dii subaxnimo asagoo ay ku degeyso badeeco ayaa waxaan mar kale soo hor marey isla maalintaas 8:00 dii Fiidnimo oo weli sidii badeeco ugu degeysa, waxaan dhihi karaa waa la kala tegey sidii la isku soo gaarana waxay u baahan tahay waqti, hadaba ganacsiga heerkaas gaareya waxay ku gaareen geesinimo iyo isbimeyn loo dhintey waxna loo diley, Muqdisho waxaa ka furan in kor u dhaafeysa 45 Madaraso (iskuul) iyo 17 iskuul lagu barto Computer, Cisbitaalo aan koobmeynin, Boosaaso waxaa ka furan 15 iskuul, hadaba la arki donee sida ay arini u danbeyn doonto.



Waxaa mahad mudan ninkii rayi ka qaata warbixintaan.



Mahadsanid


W.D. Maxamed Sheikh C/raxmaan







    
This message has been edited by moalen on Jul 5, 2001 9:13 AM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement