Dagaalo qaraar oo maalintii shalay ka dhacay degmada Madina ee magaalada Xamar
BAYDHABO July 15,2001(BP)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho waxaa ay sheegayaan in uu magaalada ka socodo dagaalo ay dad badan ku naf waayeen shantii maalmood ee la soo dhaafay.
Dagaaladaas oo u dhexeya maleeshiyoyin kala duwan ayaa la sheegaya inay ku a dhinteen in ka badan 100 qofood isla markaana ku dhaawacantay in ka badan 150 qofood dadka dhintay ama dhaawacamay waxaa ay u badan yihiin dad rayid ah.
Dagaalkii ugu dambeeyayna oo maalintii shalay dhacay waxaa uu u dhexeeya Maleeshiyooyin daacad u ah hogaamiye kooxeedka Cismaan Xasan Cali (Caato) iyo Xuseen Maxamed Caydiid oo meel ka soo wada jeeda iyo kuwo daacad u ah Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo ganacsade Maxamed Cabdulle (Deylaaf) oo iyagana meel ka soo wada jeeda.
Dagaalkan ugu dambeeyayna wuxuu ka dhacay inta u dhexeysa xaruntii hore ee Asluubta iyo Ex. Koontarool ee dhinaca Afgooye, wuxuuna dagaalkaani ku bilaawday markii ay ka war heleen Maleshiyooyinka taabacasan Caato iyo Caydiid in ay magaaldabku soo foodleeyihiin gawaari aad u tiro badan oo Hub iyo Raashiin sida oo laga soo raray dekedda Marka, Maliishiyadii fadhiday agagaarka Asluubta ee taabacasanaa Caato ayaa waxay dalbadeen in ay baaraan gawaarida si ay u ogaadan waxaa saaran balse maliishiyadii kale ee galbinaysay gawaarida ayaa la sheegay inay ku gacan sayrtay, waxaana la sheegay in markiiba halkaasi uu ka billowday dagaal qaraar oo la isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud.
Dagaalkaan ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen illaa iyo laba iyo toban qofood, ayna ku dhaawacmeen illaa labaatameeyo qofood oo qaarkood u badnaa dad rayid ah.
(BAYDHABO PRESS)
|