--

 Return to Index  

Xaalada gobolka Shabeelaha Hoose oo ka soo daraysa maal mahaan danbe

July 17 2001 at 3:12 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Xaalada gobolka Shabeelaha Hoose oo ka soo daraysa maal mahaan danbe iyo dagaalo qaraar oo ka socda Barawe.

BARAWE July 16,2001(BP)- Wararka naga soo gaaray degmada Barawe ayaa sheegaya in degaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay baryahaan danbe ka socdeen dagaalo qaraar oo u dhexeeya dadka u dhashay degaanka iyo maleeshiyada xukumadda Cabdiqaasim Salaad.

Dagaal ladaan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dad badan oo aan la qiyaasi karin keneena cabsi badan iyo qax ka bilowaday meelo ka mid ah gobolka shabeelaha hoose, waxaa sidaa oo kale la sheegay in uu khasaaro badan soo gaaray maleeshiyadii ka ganacsan jirtay dhuxusha iyo muuska, maalinitii shalay ayaa gaari muus siday oo ay leeyihiin kooxda Cabdiqaasim waxaa ay miino kula qaraxday meel u dhawo degmada Barawe, waxaana xirmay isu socodkii wadada isku xirta Afgooye iyo Barawe.


(BAYDHABO PRESS)






 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement