--

 Return to Index  

Maleeshiyoyinka DKM oo ku guul dareysatay si jogitaanka gobolka Sh. Hoose.

July 19 2001 at 10:13 AM
BAYDHABO PRESS 

 
Maleeshiyoyinka DKM oo ku guul dareysatay si jogitaanka gobolka Sh. Hoose.


BARAWE July 19, 2001 (BP)-Wararka ka imaanayo guud ahaan degmooyinka uu ka koobanyahay gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in dagaalada baryahaan danbe ku soo badanaya gobolkaas ay keneen in ay adkaato sii joogista kooxaha ka ganacsada dhuxusha iyo muuska oo gacan saar la lahaa DKM ee cabdiqaaism Salaad.

Wararkii u danbeeyay ee naga soo gaara Barawe waxaa ay shegeen in dagaladaas ay go'doomiyeen guud ahaan gobolka Jubada Hoose oo loo sii maro degmooyinka ay ka midka yihiin Mudndul Barawe oo ay ka socdaan dagaalo qaraar oo dhexeya Beelaha Digil ee u dhashay degaanka iyo maleshiyada Carta, dagaaladaas oo sida la sheegay geystay khasaaro fara badan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Madey Maxamed Bakar oo u dhashay degaanka Barawe una warameyay wargeyskaan ayaa "sheegay in uu soo dhamaan rabo xiligii ay ku jireen gumeysiga madow, kooxda Cartana waxaa uu ku edeeyay in halkii ay ka qaban lahayd gumeystayaasha madow ee ka xun kii cadaa ay kooxda Carta isku deyday in ay nagu sharciyeyso oo ay dhisto maamul aan hoos tagno kuwii na gumeystay ee dhibka nagu hayey tobonkii sano ee la soo dhaafay waanse ka diidnay ayuu yiri"



(BAYDHABO PRESS)


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement