Hay,adda Somali relief.org oo ka shaqo bilaabi doonta gobolka Bay ee SomaaliyaJuly 19 2001 at 3:10 PM | BAYDHABO PRESS | |
|
Hay,adda Somali relief.org oo ka shaqo bilaabi doonta gobolka Bay ee Somaaliya.
BAYDHABO July 19,2001(bp)- Hay,adda Somali relief development and education ayaa shaqo gargaar, horummarin iyo waxbarasho ah ka bilaabi doonto qeybo ka mid dalka Somaliya.
Mas,uul hay,adda u hadashay oo magceeda la yiraahdo Bilan Maxamed ayaa sheegtay in ay howlgalkooda u horeeya ka bilaabi donaan gobolka Bay iyo gobolada kale ee ku dhow ee ay ka midka yihiin Bakool, Gedo, Jubada Dhexe iyo Shabeelah hoose iyaga oo xooga saari doona dhinaca waxbarashada oo ay goboladaan ka hooseyaan kuwa kale ee dalka.
Waxaa kale oo ay Ms, Bilan Maxamed sheegtay in cinwaanka ay hay,addu ku yeelan doonto shabakada Internetka uu noqon doono Somalirelief.org oo ay kala soo xiriir karaan cidii rabto in ay ka qeybqaadato barnaamijyada kala duwan oo ay ha,yaddu qabandoonto
(BAYDHABO PRESS) | |
|