Go'aan uu maanta soo saarey Ururka waxiska caabinta RRA, (Reewing Rasistance Army)July 24 2001 at 4:37 PM | BAYDHABO PRESS | |
| Riverineland Jul 24 2001 Baydhabo. Go'aan uu maanta soo saarey Ururka waxiskacaabinta RRA, (Reewing Rasistance Army)
Ku: Guddiga Fulinta Ururka RRA
Og: Guddoomiye ku Xigeenada 1aad,2aad iyo 3aad
Og: Xoghayaha Guud Ururka RRA
Uj: Go'aanka 1aad:-
Shir uu yeeshey Guddiga fulinta Ururka RRA 21/07/01, oo looga doodey shirqool iyo dabandaabyo ay ku kaceen xubno ka mid ah Guddiga fulinta Ururka RRA.
Markii la arkey Qodobka 19aad, Sharciga Lam.1aad ee 25/08/98, ee Dastuurka Ku meelgaarka ah ee Ururka RRA.
Markii ay caddaatey in xubno badan ee Guddiga Fulinta tiro labajeer ah ay ku shireen fashilinta iyo curyaaminta howlaha Ururka RRA.
markii Daraasad dheer lagu sameeyey Mucaaradnimada iyo ka soo horjeedka Ururka oo muddo dheer soo dabajiitameysey, ayna ku lug lahaayeen Xubnaha qaarkood.
Markii lagama maarmaan noqotey in la daryeelo Danta Guud, tan Ummadda iyo Sharuucdaba:-
Waxaa la Go'aansadey
B. In Xubnaha kala ah:-
1- Aadan Maxamed Nuur (Saransoor)
2- Ibraahim Aadan Xasan (Kiishbur)
3- Sheekh Nuur Cali Aadan
4- Cabdullaahi Sheekh Aadan.
Laga xayuubiyey xilka Xubinimadii Guddiga Fulinta.
T. In Xubnaha kala ah:-
1- Abshir Xuseen cali (Abshir Gaab)
2- Cabdulaahi Aadan Axmed (Black)
3- Cabdulaahi shaleetey
4- Maxamed Isaaq (Fanax).
La siiyo digniin kama danbeys ah, oo qoraal ah oo ku cad mid kastaba faldambiyeedka horey uu u galey iyo kaalinta uu ka qaatey labdii shir ee ugu danbeeyey.
J. In Xubnaha kala ah:-
1- Cabdikariin Cali Mursal
2- Shiriif Xaaji cali
3- maxamed Isaaq (Daqare)
La siiyo canaan af ah.
Go'aankan wuxuu dhaqan galayaa Taariikhda la saxiixo.
oo ah maanta 24/07/01 waxaana Ku saxiixnaa
Dr. Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud)
Guddoomiyaha Ururka RRA
Riverineland
This message has been edited by moalen on Jul 25, 2001 9:44 AM
|
| |
|