Guddoomiyaha ururka RRA ayaa shalay la wareegay xilkii kaltanka guddoomiyenimada ee Golaha SRRC.
Baydhabo, Arbaco, July 25, 2001 Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud) oo ah Guddoomiyaha ururka RRA ayaa shalay la wareegay xilkii kaltanka guddoomiyenimo ee Golaha SRRC.
Xaflad ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Baydhabo ayaa Xasan Maxamed Nuur wuxuu xilkaas kala wareegay Guddoomiyihii hore danjire C/llaahi Sheekh Ismaaciil.
Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu Shaargaduud shir guddoomiyo shir ay isugu imaanayaan guddoonka sare ee Golaha SRRC, iyadoo looga arrinsan doono arrimo fara badan oo la xiriira xaaladda dalka iyo sidii loo sameyn lahaa maamul goboleedka la magac baxay koonfur galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha ururka RRA Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud) ayaa dib uga laabtay wareegto uu horey u soo saaray, wareegtadaas oo sheegeysay inuu guddiga fulinta ka eryey 13 xubnood, waxayna wareegtadaan dambe sheegeysaa in 4 xubnood oo guddiga fulinta ah oo keliya laga xayuubiyey xilka, kaddib markii wareegtadaasi ku sheegtay inay ku sifeeyeen shirqoollo ay kula kacayeen ururka, isla markaana la sheegay inay abaabuleen kana qayb galeen laba shir oo ka dhacay gobolka, waxayna kala yihiin afartaas xubnood: Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Ibraahim Aadan Xasan (Kiishbur), Sheekh Nuur Cali Aadan, C/llaahi Sheekh Aadan, afar xubnood oo kale ayaa iyaduna wareegtadu siisay digniin kama dambays ah oo qoraal ah iyadoo loo raaciyey fal dambiyeedyada lagu haysto, waxayna kala yihiin: Abshir Xuseen Cali, C/llaahi Aadan Axmed (Black), Cabdalla Shalleyteey iyo Maxamed Isaaq Fanax.
(BAYDHABO PRESS)
This message has been edited by moalen on Jul 25, 2001 3:25 PM This message has been edited by moalen on Jul 25, 2001 3:24 PM
|
|