Jaaliyadda D&M ee Ottawa, Kanada oo taageertay go,aanadii ka soo baxay shirkii Shan GamaasJuly 25 2001 at 10:04 AM | BAYDHABO PRESS | |
| Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Ottawa, Kanada oo taageertay go,aanadii ka soo baxay shirkii Shan Gamaas.
TAAGEERIDA SHIRKII (SHAN GAMAAS) EE OHIO WAA WAAJIB QOWMIYADEED
-------------------------------------------------------------------------------------------------------------
OTTAWA July 25, 2001 (BP)-Jaaliyada Digil iyo Mirfle ee Ottawa-Canada, ayadoo aad uga xun dhibaatooyinka foosha Xun ee ka baxsan bani'aadanimmada ee ay ugu horeeyaan Xaalufinta guud & Isir Sefeynta ay Ku hayaan DIIRATADA Beleed ee duulaanka u ah dadka & deegaanada Digil iyo Mirifle guud Ahaan gaar ahaan Deegaanada (Shangamaas),waxay taageero buuxda ay siineysaa Shirkii (5) Gamaas ee lagu qabtay CONCOURSE HOTEL, ee magaaladda COLUMBUS OHIO ee dalka Mareykanka taarikhdu markii ay ahayd 22-ka bishan July ee sanadka 2001 Iyo Dhammaan go'aanadii XAQA ahaa ee ka soo baxay (Akhriso Go'aanada), waxayna Ugu baaqeysaa dhammaan Qomiyada Digil iyo Mirifle meel kastoo ay ku kala nool yihiin inay Taageero buuxda ay siiyaan shirkaas (5)-gamaas iyo go'aanadii kasoo baxay, Ayadoo jaaliyadeena ay aaminsan tahay una arkeyso taageerida go'aanadaas Ay tahay waajib qowmiyadeed.
Waxaa kale oo Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Ottawa, Kanada ay taageero taas la mid ah siinaysaa go,aanadii ka soo baxay shirkii Digil iyo Mirifle ee lagu qabtay magaaloyinka Manchester iyo Liverpool ee dalka Ingriiska.
(BAYDHABO PRESS)
This message has been edited by moalen on Jul 25, 2001 10:06 AM
|
| |
|