Dagaal culus oo ka dhacay degmada Bu'aale oo ka tirsan gobolka Jubada Dhexe.
BU'AALE JULY 26,2001[BP]-Wararka ka imaanaya magaalada Bu'aale ee degaanka Jubadda dhexe ayaa sheegaya in shalay gelinkii danbe uu dagaal culus halkaas ku dhexmaray Ciidamo ka socda Isbahaysiga Kismaayo haysta iyo DKMG oo dhinac ah iyo Ciidamada Janaraal Moorgan.
Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen in ka badan Labaatan Ruux waxaana ku dhaawacmay in ku dhow Afartameeyo qof. Waxaa uu sheegay Afayeen u hadlay Ciidamada Janaraal Moorgan oo jooga degmada Bu'aale in Ciidamadooda ay ka qabsadeen Ciidamada Isbahaysiga iyo Dowlada KMG ah Gaari Tikniko ah, waxayna halkaas kaga Gubeen Gaari Qabaal ah nooca loo yaqaan Cabdi Bile oo uu qori saaraan una lahaa Col. Barre Hiiraale.
Dhinaca kale waxaa la sheegay in hoggaanka Sare ee Ururka RRA uu aad uga xumaaday in kooxda Carta ee uu hogaamiye Cabdiqaasim Salaad ay la saftaan isbahaysiga Kismaayo heysta iyada oo maleeshiyada kooxda Carta ay dagaalka dhinac ka soo galeen rabaana in ay ku soo dhawadaan degaanka Jubada Dhexe, waxaana laga yaaba ayey wararku shegeen in ay ciidamada RRA si toos ah u galaan dagaalka taas oo laga cabsi qabo in jab weyn u keento kooxda Carta waxaa kale oo dhici karta ayaa la yiri in hadi ay RRA du dagaalka gasho laga furan doono kooxda Cabdiqaasim waxa hub iyo tekniko ay wataan sidii horey Baydhabo uga dhacday.
(BAYDHAB PRESS)
|