War Saxaafadeed uu maanta soo saaray Hoggaamiye Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxow
MUQDISHO" Waxaa lagama maarmaan ah inaan mar walba ka fakarno sidii looga gudbi lahaa dhibaatada daba dheeraatay ee dalka Soomaaliya ku habsatay,annagoo tilmaameyna dariiqa aan u aragno in dhibaatadaas looga gudbi karo,isla markaana farta ku fiiqeyna cid kasta oo u muuqata in ay caqabad ku tahay nabadgelyada wadajirka iyo dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed,innagoo ka fogaaneyna marin habaabinta bulshada iyo ka leexashada runta lama huraanka ah.
Waqtigan hadda la joogo caqabadda kaliya ee hor taagan xal u helidda dhibaatada Soomaaliya waa kooxda Carta, sababtoo ah waxay sheeganayaan dowladnimo aan jirin oo been ah,isla mar ahaantaana waxay diiddan yihiin in dib u heshiisiin run ah laga hirgeliyo dalka Soomaaliya,si loo dhiso dowlad qaran oo loo dhan yahay,cid kasta oo arrinta Soomaaliya daneysa iyo shacabkeennaba waxay ogyihiin in kooxda Carta laga diiddan yahay dalka Soomaaliya awalna aysan cidna u dooran xilka ay sheeganayaan,waxaana u sheegaynaa in aaney awood u lahayn in ay nagu qasbaan in aan xoog ku raacno,su'aashu waxay tahay haddii aaney haysan kalsoonida dalka oo aan cidina rabin,xoogna aaney nagu xukumi karin waa maxay arrinta ay doonayaan in ay wax ku xukumaan ?.
Kooxda Carta waxay qalabkooda warbaahinta ku sheegaan in aaney dagaal wax ku raadineyn oo ay dib u heshiisiinta ka shaqeynayaan,haddaba haddii ay taasi ula jeedaan annagaa dalka u madax ah ee nagu soo biira,taasi dib u heshiisiin ma aha cidina kama aqbali doonto,haddiise ay oggol yihiin in iyagoo aan wax xil ah sheeganeyn dib u heshiisiin rasmi ah la billaabo waan soo dhaweyneynaa,diyaar ayaana loo wada yahay.
Maalmahan dambe kooxda Carta waxay magaalada Muqdisho ka wadaan dagaallo cusub oo ay hurinayaan maliishiyo beeleed loo soo geliyey dhar isku nooc ah,kuna hubeysan lacagihii ay ka heleen dalalka carabta qaarkood sida Sacuudiga,Imaaraadka caraba Kuwait,Qadar iyo kuwo kale,kadibna dagaalladaas ay ayaga hurinayaan waxay ku sheegaan in ay u dhexeeyaan laba beelood si ay eedda isaga fogeeyaan,guuldarradoodana u qarinayaan waxaana khidadaas u fuliya ganacsato la yaqaan oo gacan saar hoose la leh,hase yeeshee xaqiiqda cidda dagaalladaas waddo iyo ciidamada huriya waa laga ogyahay Soomaaliya iyo caalamkaba.
Kooxdani lacagihii ay ka heleen waddamada Carabta qaarkood kuma bixin sugidda nabadgelyada,dib u heshiisiinta Ummadda,horumarinta waxbarashada daryeelka caafimaadka dadweynaha iyo la dagaalanka sicir bararka,balse waxay u adeegsadeen dardargelinta dagaallada sokeeye iyo daadinta dhiigga dadka walaalaha ah,sidoo kale waxay u adeegsadeen in ay fidno ka dhex abuuraan dadka walaalaha ah ee uu ka dhexeeyo xiriir deegaan ama mid beeleed ayagoo lacag ku adeegsanayo cid kasta oo ay u arkaan in ay lacag ugu adeegeyso si ay u iibsadaan dadkooda iyo deegaankoodaba.
Sidaas aawgeed Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa in ay u howlgalaan sidii lagu hirgelin lahaa dib u heshiisiin qaran oo dhab ah gaar ahaan dadka walaalaha ah ee Muqdisho ku wada nool,waxaana uga digayaa khiyaannada kooxda Carta ay maleegayaan.
Waddamada Carabta ee kooxda Carta ka kaalmeeya dhinaca dhaqaalahana waxaan ugu baaqeynaa in ay joojiyaan kaalmada ay sida gaarka ah u siinayaan kooxda Carta,waxaana u sheegeynaa in wixii ay horey u siiyeen ay u adeegsadeen dagaallo sokeeye iyo abuurid fidno dadka dhexdiisa ah.
Wabillaahi Towfiiq.
Hoggaamiye Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxow
|