Wararki ugu dambeeyey ee dagaalka Jubbada dhexe,iyo saraakiishii lagu dilay dagaalkaasJuly 28 2001 at 12:50 PM | BAYDHABO PRESS | |
| Wararki ugu dambeeyey ee dagaalka Jubbada dhexe,iyo saraakiishii lagu dilay dagaalkaas iyo fannaaniin Soomaaliyeed oo lagu qabsaday gobahii dagaalka
mic-28-07-2001, Mar kale ayaa xalay dagaal culus uu ka qarxay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe,gaar ahaan nawaaxiga Bu’aale,halkaas oo shalay uu dagaal ka dhacay kadib waxaa gacanta ku wada dhigay Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi(Morgan) oo hoggaaminayey maliishiyo xooggan oo ka kooban beelo isu tagay.
Dagaalkii xalay dhacay ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u culus waxayna ilo xog-ogaal ahi sheegayaan in dhinaca maliishiyada beesha Cayr ee dowladda taageerta uu ka dhaawacmay sarkaalkii ugu qaybsanaa xagga dagaal gelinta oo la yiraahdo Seeraar, kaas oo maanta barqadii dhaawaciisa landcruser lagu keenay magaalada Muqdisho, sidoo kalena xalay ayaa warqad qoraal ah oo xafiiska Midnimo ee magaalada Muqdisho loo soo diray lagu sheegay in saraakiishii laga dilay dhinaca isbaheysiga dowladda taageera ay ka mid yihiin Carrabey Cali, Siyaad Saqle, Ilka Case iyo Deeq Caabbi,kuwaas oo ku dhintay jiidda hore ee dagaalkii Bu’aale lagu qabsaday.
Golaha SRRC wuxuu kaloo sheegay in ay qabsadeen laba teknio ah, hub fudud iyo afar qori oo ah nooca loo yaqaan dabajeexa (BKM), sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen 15 fannaaniin Soomaaliyeed ah oo uu hoggaaminayey abwaan Yuusuf Maradoon,kuwaas oo goluhu sheegay inay madadaalinnayeen maliishiyooyinka beeleed ee halkaas ku sugnaa.
War kale oo qoraal ah oo warqabadka Midnimo uu isla Caawa ka helay xarunta SRRC ee Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in Xoghayaha koowaad ee golahaas Mowliid Macaani Maxamuud oo maanta Cusbitaalka Baydhabo ku soo booqday dhaawaca maxaabiistii shalay iyo xalay lagu soo qabtay dagaalladii dhacay,wuxuuna kula dardaarmay dhaqaatiirta in la xurmeeyo baaqyada caalamiga ah ee ilaalinta maxaabiista iyo dhaawaca, sidoo kale wuxuu goobta lagu hayo ku soo booqday fannaaniinta la soo qabtay,isagoo ugu bishaareeyey inaysan la haystayaal ahayn oo ay dareemaan in ay joogaan dhul Soomaaliyeed.
Dhanka kalena xoghayaha Guud ee Ururka SPDM ee beesha Shiikhaal oo taleefoon kula soo xiriiray Midnimo ayaa ugu baaqay maliishiyada waxa uu ugu yeeray kooxda Carta inay isu dhiibaan xoogagga is baheystay ee SRRC, si looga badbaadiyo jab iyo halaag ku yimaada,wuxuuna u ballan qaaday inaan waxba la yeeli doonin loona nabad gelin doono maalkooda iyo naftooda.
Xoghayuhu wuxuu intaas raaciyey in maliishiyada kooxda uu ku sheegay Carta in laga gudbin doono haddii ay is dhibaan goobaha ay ku aasan yihiin miinooyinka wuxuuna uga digay gurmadkooda inaysan soo dhaafi karin halka lagu magacaabo Xaramka. www.midnimo.com
| |
|