--

 Return to Index  

Afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya oo beeniyay Eedeynta ay u soo jeedisay Kooxda Carta dalkiisa

August 4 2001 at 1:50 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya oo beeniyay Eedeynta ay u soo jeedisay Kooxda Carta dalkiisa.

BAYDHABO August 4, 2001 (Bp)- sarkaal ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dowlada Itoobiya ayaa beeniyay Eedeynta ka soo yeertay kooxda Carta ee sheegata dowladnimada Somaaliyeed oo ku eedeysay Itoobiya in ay ka qeyb qaadanayso dagaalada ka socda gobolada koonfurteed ee Somaaliya.

Sarkaalku wuxuu sheegay in Itoobiya aysan wax shaqo ah ku lahayn dagaaladaas balse ay yihiin kuwo u dhexeeya kooxaha Somaaliya oo ay ka mid tahay kooxda Carta.

Sarkaal kale oo ka mid ahaan jiray madaxdii sare ee ciidankii xooga dalka Somaaliyeed ayaa wargeyskaan u sheegay in hadii ay Itoobiya taageerto isbahaysiga SRRC ay taas surto gelin lahayd in uu isbahaysigu si aad u fudud aga guulaysan lahaa kooxda carta oo aysan kooxda carta magaalada xamar sii joogeen iskaba daa Kismaaye, maxaayeelay Itoobiya waa dal leh ciidan aad u xoogan iyo dhamaan qeybihii kala duwanaa ee ciidamada oo ay ka midka yihiin ciidanka cirka, waxaa kale oo la ogyahay in isbahaysi SRRC uu ka awood badan yahay kan Carta marka la eego dhinac walba.


(BAYDHABO PRESS)



    
This message has been edited by moalen on Aug 6, 2001 2:47 PM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement