Ciidamada Golaha SRRC oo saakay subax magaalada Kismaayo Gacanta ku dhigay
Baydhabo Monday, August 06, 2001 -wararka naga soo gaaraya Xauunta golaha SRRC ee Magaalada Baydhobo ayaa sheegaya in golaha SRRC subaxnimadii hore ee maanta ay si buuxda gacanta ugu dhigeen Magaalada Kismayo.
Afhayeenka golaha SRRC Md. Maxamed Aadan (Qalinle) oo lagula xiriiray Khadka isgaarsiinta isaga oo jooga Magaalada Baydhabo ayaa xaqiijiyay in si buuxda ay ula waregeen gacan ku haaynta Magaalada Kismayo.
Sida oo kale mar Khadka isgaarsiinta lagula xirriiray guddomiye ku xigeenka 1aad ee Ururka RRA Md. Sheikh Adan M. Nur (Sheekh Aadan Madoobe ) ayaa sidoosheegay in Kismaayo ka qabsadeen Kooxda Carta isla markaana ay gaarsiyeen dersi lama illaawaan ah ,Sheekh Aadan waxaa uu yiri Maanta duhurkii waxaan salaadda Duhur ku tukunay Masaajidka weeyn oo ku yaala Bartamaha Magaalada Kismayo wuxuuna inta ku darey in ay jiraan Ciidamo oo uu hoggaminayo Barre Hiiraale ay haatan g,odoon ku yihin degmada Jilib oo la rabo in ay is dhiibaan aygoo nool. si loo yareeyo dhimashada dadka ray,idka ah.
Dhinaca kale warar isa soo taraya ayaa sheegaya in ay Ciidamo ka tirsan isbahaysiga SRRC ay ku soo food leeyihiin magaaloyinka Marka iyo Baraawe malinta beri ah Ciidamadaas oo aad u tiro badan isla markaana ku hubeeysan hub casri ah ayay kala hoggaaminyaan Maxamed Ibraahim Xaabsada, Cabdi Warsame Isaaq , Danjire Cabdullahi Sheek Ismaciil Col. Axamdeey Cumuroow iyo Mukhtaar Muye Saciid kuwaaso sida la sheegay ku wajahan guud ahaan gobolka Shabeelaha hoose.
(BASYHABO PRESS)
|