--

 Return to Index  

KULAN MADAXDA JAALIYADDA D&M . EE KANADA AY LA YEESHEEN DIPLOMAASIYIINTA KHALIIJKA EE OTTAWA

August 6 2001 at 5:25 PM
BAYDHABO PRESS 

 
KULAN MADAXDA JAALIYADDA D&M . EE KANADA AY LA YEESHEEN DIPLOMAASIYIINTA KHALIIJKA EE OTTAWA


Xaflad balaaran oo ay soo qaban qaabisay jaaliyadda D&Mirifle ee canada oo ay kasoo Shaqeeyeen waxgaradkeeda oo lagu martiqaaday Diplomasiyiinta dowladaha khaliijda u joogaan Dalka canada iyo dowladaha carbeed ee taageera DKM. Laguna qabtay xaruntooda July30,2001.Ayaa wax garadka jaaliyada waxay Dipl. Tii martida u ahayd uga warameen Xaaladda guud ee Dalka Soomaaliyeed guud ahaan , dowladii laga soo dhisay ( CARTA) iyo Aragtida ay ka qabaan & gaar ahaan xasuuqii & isir sifeyntii lagu sameeyey dadka & deegaanada ( D&M).Intii u dhaxeysay 1991-1999 . Iyo tan hadda ay ku hayaan qabiiladii Shalay xasuuqaasi sameeyeen Oo hadda loo sameeyey hogaan cusub loona huway magac Dowladeed.
Waxay jaaliyada u cadeysay Diplomaasiyiinta iyo madaxdii cadaanka ahayd ee Martida U ahaydba In kaalma kasta oo lagu siiyo hogaamiye beeleed kasta oo xamar xafiisyo ku Sameystay magaca Umadda soomaaliyeed aanay marna ku bixi doonin hadafkii loogu tala galay Ayna noqon doonto mid sabab u noqota daadinta dhiig hor leh ee soomaaliyeed , Xasuuq Maato , xoog ku haysasho Deegaano adkaatay in lagu haysto magac qabiileed keliya .
Jaaliyadu ayadoo ay mahad u soo jeedisay dawladaha Carbeed ee kaalmada Walaaleed ula deg-dega dalka soomaaliyeed inaanay nogon kuwo keliya ku shaqeeya laab lakac , inaanay kala jecleysan dadka & deegaanada soomaaliyeed ,inaanay kaalada ay siiyaan ( koox beeleed ) yar oo xamar xafiis ka furatay ,sheegatayna magac dowladeed u kasbin Carada & karaahiyadda Shacab weynaha kale ee Soomaaliyeed ee ka soo haray oo idil.
Mar Diplomaasiyiintu ay wax ka weydiiyeen masuuliyiinta jaaliyadda D&M Sida Ay u arkaan Xalka Soomaaliyeed , Jaaliyadu waxay u gudbisay Dip.ta , una qaybisay martidii kale warbixin Dheer oo ay jaaliyada u qortay safiir kasoo codsaday Jan 02,2000, oo ay kaga Hadashay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in laga soo dhiso hoos, deegaan walba dadkiisa loo Daayo , maamulka Soomaaliyana asaas looga dhigo nidaamka FEDERAALIGA.
Mar wax laga weydiiyey C/qaasim. Wuxuu ka qabo arinta federalka Dalka Soomaaliyeedna waxay Ku jawaab bixisay Jaaliyadu maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd FAQI TOLKII KAMA JANA-TAGO.waxaana daliil u ah bay tiri, C/Qaasim wuxuu sheegtaa Inuu madaxweyne soomaaliyeed Yahay, Maadaama uu magacaas sheegtay ma ahayn in uu Qabiilkiisa uga gargaaro qabiilada kale Oo ay dulanka ku hayaan dad&deegaan ahaanba, Waxaa laga rabay inuu kasoo saaro dadkiisa ,Deegaanada ay xaalufiyeen , haduu taa yeeli waayey waxaa laga rabay inuu inuu carabkiisa ku Cadeeyo mowqifka uu ka taagan yahay Dadkiisa weli xooga ku jooga deegaanadaas, ugu dambeyn Waxaa laga rabay in laga dareemo Inuusan jeclayn dulmiga CAYR oo ah dadkiisa ay ka wadaan Dadka & deegaanada D&Mirifle, iska dhaaf intaan soo sheegnay inuu wax ka fuliyee waxaa uu Bilaabay inuu u Sharciyeeyo ,markii ay dadka deegaanka isku dayaan inay dulmiga CAYR iskaQaadaan inuu Ku kaalmeeyo hub & ciidan oo lagu soo qaaday ,laguna asaasay kaalmooyinkii lagu Soo helay Magaca ummada soomaaliyeed.
Waxayna soo qaadatay jaaliyada in dulmiga uu sameeyo ( C/Qaasin ) aan ka samata
Bixin Xubnihii Barlamaanka uga soo galay Deegaanada D&M..oo qof waliba uu ogyahay in aan
Xuquuqdooda la sineyn kuwa ayaga lamidka ah. Sidaa darteedna ay ka gadoodeen fadhiyadii
Labada gole ee dawladiisa waxaana fiican ayey tiri jaaliyada in aad adinkuba is weydiisaan nin
Dadkii asaga raacayba ixtiraami waayey ma idinla tahay inuu ixtiraamaayo dad dulmiga dadkiisa
Ay ku hayaan ka dagaalamayaan. ( Dan qabiil baan wataa & Qaran baan dhisayaa isma qabilaan)


Jaaliyada oo si heer sare usoo qaban-qaabisay kulankaas dipl.maasiyadeed waxay Ugu lifaaqeen qoralkoodaasi warqad ay ku tilmaameen tusaale cad oo ay ku saxiixan yihiin dhamaan Xubnihii D&M . Uga jiray labada gole ee ka gadooday fadhiyadii DKG. Oo ay ku tarjumeen Luqada carabiga, warqadaasi oo ay ku wajahnayd Madaxweynaha DKM iyo W/ka Koowaad Ogeysiin-Xubnaha golaha barlamaanka oo ay ujeedadeedu ahayd ku xad gudubka Axdiga KMG Iyo awood qaybsiga.
Warqadaasi oo ay ku saxiixnaayeen ( 49 ) xidhibaan & ( 15 ) wasiir & w/kuxigeen U dhashay Qowmiyada D&Mirifle oo ku tariikheysnayd 26/7/2001.waxay diplomaasiyiintii & Martidii Fadhiday ku abuurtay shucuur ah inay dhab tahay in dowladaha carbeed ee taageera DKG .ah ay Habooneyd inay ka fiirsadaan gargaarka iyo deeqaha ay siinayaan soomaaliya .
Mid kamid ah dip.taasi wuxuu sheegay in dulmigan cadaanka ah ee xitaa xubnihii Ku jiray DKG.ah ay ka markhaati kaceen ee lagu hayo Qowmiyada (D&M.) Ay dhab tahay inay Niyad jab ku rideyso rajadii laga qabay dowlada soomaaliya, wuxuu kudaray oo kale inkastoo ay Dowladaha carbeed ahmiyad weyn u lahaayeen helitaanka sharciyad mesesha Soomaaliya oo Deeq & dacmiba ay u mariyaan shacabka walaalahooda ah hadana aanay Ahayn in deeqahaasi ay Ku dulmaan umadda,kuna daadiyaan dhiig cusub , ama lagu dumiyo Deegaano dhisan.
Wuxuuna balan qaaday inay kulankan & natiijooyinkiisa ay u gudbin doonaan Dowladahooda jawaab deg-deg ahna ay kasoo siin doonaan jaaliyada D&Mirifle ee soo qaban qaabisay kulan dipl.maasiyeedka.

Jaaliyadu waxay go'aamisay in la sameeyo kulan dipl.siyeed kale oo loogu Yeeraay Safiiradda YURUB & MAREYKANKA ,si loo fahamsiiyo Qadiyada D&M ee Qowmiyadeed Looguna soo bandhigo xaqiiqda dhabta ah ee DKG. ee ku dhisan Dulmiga & Isu adoominta Qabaa'ilka soomaaliyeed. Xafladaas waxaa
Kaloo joogay wariyayaasha iyo wakiilada qaar kamid jar-
aa'idka carabta ,sida Al-ayaan oo bogiisa hore july 31-
keeda kusoo baxay waaqicigii kulankaas.


Wariyaha Reeghaytimes N/America
IBRAAHIM ALI IBRAAHIM


















 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement