Taariikh nololeedka hogaamiyaha guud ee Shangamaas (Tunni) Dr. Maxamed Sheikh Xasan
From : "Abukar Xaaji" <abukarxaaji@hotmail.com>
To : baydhabopress@hotmail.com
Subject : Taariikh nololeedka hogaamiyaha guud ee Shangamaas (Tunni) Dr Maxamed Sheikh Xasan
Date : Sun, 05 Aug 2001 17:07:08 +0000
Xiriiriyaha jaaliyadaha D/M ee scandinavia Abuukar Xaaji Cusmaan isagoo ku hadlaya magaca dhamaan dadweynaha ku abtirsada D/M ee ku dhaqan waddamada Scandinavianka wuxuu hambalyo u dirayaa Dr Maxamed Sheekh Xasan oo dhowaan shir ka dhacay magaalada Columbus Ohio loogu doortay hoggaamiyaha guud ee beesha Shangamaas ( Tunni).
Haddaba waxaan halkan idinku soo gudbinayaa warbixin gaaban oo ku saabsan taariikh nololeedka Dr Maxamed Sh Xasan oo uu noo soo gudbiyay Col Shariif Sheekhuna Maye oo ah afhayeenka beeshaas:
Dr Maxamed Sh xasan waxa uu ku dhashay magaalada Afgooye 1929 halkaas oo ku dhameystay waxbarashada Quraanka kariimka iyo gundhigga tacliinta diinta islaamka iyo waxbarashadiis dugsiyeed.
Aasaaska Tacliintiisa.
1942-44 wuxuu wax ka bartay dugsiga tababarka macallimiinta ee Muqdisho.
1944-50 wuxuu macallin iyo maamule dugsi ka noqday dhowr dugsi oo kala duwan.
1950-52 wuxuu wax ka baranayay dugsiga siyaasadda iyo howlaha maamulka.
1952-54 wuxuu waxbarasho u aaday magaalada Firenze ee dalka talyaaniga.
1954-56 wuxuu shahaado sare ee dhaqaalaha iyo sharciga ka qaatay machadka sare ee sharciga iyo dhaqaalaha ee Muqdisho.
Mihnooyinka iyo khibradihiisa.
1956 wuxuu Dr. Maxamed Sh Xasan noqday xoghayaha golaha wasiirada ee dowladda ku meel gaarka koowaad ee dalka Somaliya.
1957 wuxuu noqday Hoggamiyaha golaha wasiirada ee xoghayaha guud ee A.F.I.S.
1957-60 wuxuu ahaa mas'uulka arrimaha soomaalida u fadhiya safaaradda talyaaniga ee Qaahira, isla markaana wuxuu wxabarasho heer jaamacadeed ka sii watay jaamacadda Roma.
1961-1965 wuxuu ahaa danjirihii soomaliya ee u fadhiyay talyaaniga iyo suuqa dhaqaalaha reer yurub (Brusseles) iyo Vatikaanka Roma.
1965-68 Dr Maxamed .Sh .Xasan wuxuu ahaa danjirihii Somaliya u fadhiyay Germany.
1968-70 wuxuu ahaa danjirihii Somaliya u fadhiyay Qaahira.
1970-71 waxaa loo magacaabay agaasinmaha guud ee wasaarada waxbarashada.
1971-72 waxaa lagu xiray Muqdisho maxkamad laaan isagoo weliba keligiis ku xirnaa qol ciqaabeed dhulka hoostiisa ku yiil sababtuna waxay ahayd ujeeddo siyaasadeed.
1975-92 wuxuu la taliye ka noqday diiwaanka madaxtooyada ee imaaradda Abu Dhabi ee dalka isutagga imaaraadka carabta.
1992-98 ku xigeenka agaasimaha guud ee ururka samafalka ee Sheekh Zayed Abu Dhabi. U.A.E.
Abuukar Xaaji Cusmaan
Xiriiriyaha jaaliyadaha D/M ee scandinavia
(BAYDHABO PRESS)
|