--

 Return to Index  

Xaalada murugeysan ee gobolada Koonfureed iyo dagaalada ka socda Soomaaliya.

August 11 2001 at 11:51 AM
BAYDHABO PRESS 

 
Xaalada murugeysan ee gobolada Koonfureed iyo dagaalada ka socda Soomaaliya.

(11 August 2001) - Xaalada Somaliya ayaa maalmahan dambe waxay mareysaa meel halis ah iaydoo dagaalo cusub ka soo bilaabmeen Koonfurta Soomaliya khaasatan gobolada Sh/Hoose iyo Jubooyinka, halka dhanka Barina dagaal qaraar ku dhexmarey usbuucii la soo dhaafay C/llahi Yusuf iyo ciidan daacad u ah Isimada Puntland.

Magaalada Baydhabo ayaa iyana ka maqan isgaarsiinta tan iyo maalintii Arbacada. taasoo kooxda Carta ku macneysay in ciidan Itoobiyaan ahi soo galeen deegaanada Bay & Bakool. Waxaa arrintaa beeniyey sarkaal u hadlay dowlada Itoobiya oo sheegay inaysan lug ku lahayn dagaalada Soomaaliya isla markaana aysan aqoonsaneyn wax dowlad ah oo Soomaaliya ka jira. Sidoo kale waxaa arrintan beeniyey afhayeenka golaha SRRC Md. Qalinle dhambaal uu shalay ka soo saaray magaalada Baydhabo.

Magaalada Muqdisho ayaa iyana dhowrkii maalmood la soo dhafay ka socday abaabul xoog leh oo ay isku baheysteen beelaha taageersan A/qasim. Dhowr kun maleesiyo oo ay Qaramada Midoobay iyo wadamada Carabta ay maalgeliyeen tababarkood ayaa loo diray Balidoogle iyo Kismaayo.

Dhanka kale golaha SRRC ayaa iyana dhankooda ka wada abaabul taa la mid ah. iyadoo tirada ciidan ee halkaas la isugu geeyey ay aad u sareeyso ayaa laga cabsi qabaa in haddii dagaalka la filayo dhaco uu keeno khasaaro ba'an.

Aamusnaanta isgaarsiinta Baydhabo ka jirta awgeed ayaa dad badan waxay caado ka dhigteen inay been abuuraan dacaayado lidi ku ah ururka RRA, iyagoo mar sheegay in Shaatiguduud la dilay, marna la dhaawacay, marna ay xirteen Itoobiyaan. Warbixinada ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in magaalada aad u degan tahay aysan ka jirin wax xiisad aan ahayn abaabul dagaal ku wajahan dhulka xooga lagu heysto ee Sh/Hoose iyo Jubooyinka.

Shacaka Soomaalida oo ka daalay dagaaal ayaa waxaa niyad jab weyn ku riday kooxda Carta oo laga filayey in ay la timaado saansaan dowladeed laakiin go'aansatay inay u dhaqanto hab kooxeed isla markaana ay ilaaliso dano beel oo qura iyagoo isticmaalaya magaca shacabka Soomaaliya.Riverineland.


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement