--

 Return to Index  

War saxaafadeed uu soo saaray golaha SRRC iyo Eedeyn kulul oo loo jeediyay dalalka Carbeed

August 11 2001 at 12:17 PM
BAYDHABO PRESS 

 
War saxaafadeed uu soo saaray golaha SRRC iyo Eedeyn kulul oo loo jeediyay dalalka Carbeed ee taakuleeya kooxda Carta.


BAYDHABO August 11, 2001 (BP)- Magaalo madaxda gobolka Bay ee BAYDHABO oo ah xaruunta Hogganka Sare ee Golaha SRRC ayaa uu Goluhu maanat ka soo saaray war saxaafa- deed lagu canbaareynayo dalalka Carbeed ee sida gaarka ah u taakuleeya Hoggamiye Kooxeedka Carta Cabdiqaasim Salaad. Goluhu wuxuu si gaar ah u xusay dalalka Libiya, Yemen iyo Masar kuwaas oo hub iyo saanad miletery uga deeqa kooxda Carta.

Waxaa kale oo war saxaafadeedka lagu sheegay in kooxda Carta deeqihii lagu siiyay magaca Ummadda Somaaliyeed ay u adeegsatay dagaalada ka socda koonfurta Somaaliya iyo isku dirka Ummadda Somaaliyeed iyaga oo si toos ah ugu lug leh dagaalka ka dhacay PUNTLAND sidoo kalena marar badan isku dayey in ay qas iyo dagaal ka kiciyaan magaalada BAYDHABO.

Hoggaanku wuxuu ugu baaqay Beesha caalmaka, Ururada Dowliga iyo kuwa heerka gobol in la joojiyo kaalmada ay siyaan kooxda Carta oo uu waqtigeedu soo dhamaaday, waxayna shegeen in ay horey beesha caalamka uga digeen in kooxda Carta ay Somaaliya ka kicin doonto dagaalo.

Hoggaanka SRRC wuxuu Beesha caalamka iyo ururda dowliga ka codsaday in ay ku taageraan Golaha SSRC oo ka taliya boqolkiiba sideetan iyo shan 85% dhulka Somaaliyeed dhismaha Dowlad Somaaliyeed oo loo dhanyahay si loo soo afjaro dhibaatada dagaal ee Somaaliya la dagtay oo ay Dowald la,aantu sababtay, wuxuu kalo Goluhu ku cadeeyay war saxaafadeed kaan in kooxda Carta aysan ahayn Dowlad Somaaliyeed lahayna astaamihii Dowladnimo maadaama ay ka jirto oo kaliya hala xaafad oo ka tirsan Muqdisho.



(BAYDHABO PRESS)




 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement