Warbixin kooban oo ka hadlaysa Rasaas iyo Hub ay u soo dirtay Dowlada Masar kooxda Carta.
MUQDISHO April 11, 2001 BP)- Shir ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha wasiirada iyo Hoggaamiyaha kooxda Carta ayaa waxay ku go,aamiyeen in ay dagaal la galaan isbahaysiga SRRC. Sidoo kale waxaa iyana maalmahaan Shirar gooni gooni ah yeeshey Qabiilada Mareyxaan iyo Ogaadeen oo ka shirey sidii loo kaalmeyn lahaa Isbaheysiga dooxada Galgadud ee haysta Kismaanyo, baaburta N-3 (Enatreeyo) oo Ciidan wada ayaa ka yimid Caabduqwaaq iyo Galgaduud ayago u gudbey Kismaanyo, sidoo kale todobaadkaan oo dhan Ciidan tiro badan oo wata gawaarida tiknikada ah ayaa u kicitimaayey Kismaanyo, Isbaheysiga Hawaase ee SRRC qabsashadii ay Kismaanyo qabsadeen ayaa xaalada sii cusleeysay.
Xaley iyo habeen hore waxaa la qaadey Ciidamadii Dowlada kooxda Carta u xareysnaa oo lagu qiyaasey ilaa 1500 Qof.. Janaral Galaal oo u dhashey Cayr, qeybta C/qaasin ayaa ciidan ku ururin haya Balidoogle, halka ciidan uu wato Qanyare oo gaareya labataneeyo Tikniko ah ay degeen Wanle Weyn agteeda, habeenadaan Ciidanka Dowlada kooxda Carta waxay ku mashquuleen isudiyaarin iyo qaybsi Rasaas iyo Hub ay soo dirtey Dowlada Masar.
Wasiirka warfaafinta ee kooxda Carta lana yiraahdo Sekariya Max'uud Waxaa uu ku dhawaaqey dhegaha Caalamka iyo Ummadda Somaliyeedna maqashiiyay in degaanada Jubada Dhexe, Bay iyo Bakool ay yimaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah, waxaase beeniyay Dowlada Itoobiya iyo dadweeynaha u dhashay degaanada la sheegay in ay yimaadeen ciidamada Itoobiyaanka.
Si kastaba ha ahaate Eedaymaha joogtada ah ee ay kooxda Carta u soo jeediso Dowladda Itoobiya ayaa todobaadkaan la sheegay in ay si aad ah uga xanaajisay madax sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo markii ugu horeysay qiratay in aysan aqoonsanayn Dowladda Cabdiqaasim, waxaana jira warar isa soo taraya oo sheegaya in ay Itoobiya markaan qorsheynayso in ay si toos ah arimaha Somaaliya u soo fara geliyaan bacdamamaa markasta lagu eedeyo in ay Somaaliya farageliyaan iyaga oo aan soo gelin dhul Somaaliyeed iyaga sida la sheegay si cad u barbar istaagidoona isbahaysiga ay xulufada yihiin ee SRRC si ay u qabsadaan talada iyo xukunka dalka ugana saaraan magaalada Xamar kooxda uu hoggaamiyo Cabdiqaasim.
(BADHABO PRESS)
|