--

 Return to Index  

Heshiiska Sirta ah ee Cayr iyo Mareexaan. Maxaase Aamusiiyay Beelaha Harti?

August 11 2001 at 1:45 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Heshiiska Sirta ah ee Cayr iyo Mareexaan. Maxaase Aamusiiyay Beelaha Harti?


MUQDISHO April 11, 2001 (BP)-Labada Beelood ee Cayr iyo Mareexaan oo Xigtanimo iyo darisnimo kuwada degan Gobolka Galgudduud ayaa ku heshiiyay qodobadan hoos ku xusan:

1-In magaalo madaxdda Jubadda Hoose ee Kismayo laga dhigo degaan ay si rasmi ah ula wareegaan labaadaas beelood iyada oo la adeegsanyo maamul ay labadan reer wadajir uga dhisaan Kismayo iyo Xafiiska Qaxootiga ee Wasaaradda Gudaha ee DKM oo loo adeegsado in lagu dajiyo dadkooda oo laga dhigayo qaxootiyadii ka soo noqday Kenya iyo Ethiopia.

2-In fursad kasta looga faideysto sidii beelaha degaanka Kismayo ee Harti, Sheekhaal, Digil&Mirifle, Gaaljecel, iyo Cawromal looga fogeyn lahaa magaalda ugu yaraan soddon (30) Km.

3-In la isku mashquuliyo dhexdooda qeybaha Ogadeen iyada oo la tageerayo, kuwa taaabacsan Heshiiskii Carta.

4-Hadii Hogganka Putland ee C/llhi Yusuf lagu guleysan waayo in la khaarajiyo, in magaca Harti logu daro mamulka Jamame oo loo qoorsheeyey beelaha Biyomaal, iyo Sheekhaal ama Badhaadhe oo logu talo galay in la isugu geeyo beelaha ay u bixiyeen Carta -diid kolba kay doortaan.

Arrimo la xirrira heshiskaan War lagu kalsoon yahay ay waxa ay sheegayaan in heshiikii cayr iyo Sacad ee ka dambeeyay isku dhacii milishiyada Caato iyo Delaaf ayaa waxa ka mid aha in Caato laga ogolaaday in Sacad oo naf iyo hanti badan ku bixiyey in la qabsado Kimaayo ay Cayr ka qeyb galiyaan lahaanshaha cusub ee barwaaqada juboyinka.



HESHIISKA SIRTA ee CAATO iyo C/QASSIM

Dagalda Jubooyinka ee lagu soo kululeeyay kooxda haysata Kismaayo ayaa Caato iyo C/Qasim shir qarsoodi ah oo ay yesheen kuna weheliyeen waxgardka labada dhinac, laysku afgartay in :

1- in Sacad uu si buxdda uga qeybgalo si wax ugu yeesho Kismaayo lahanshaheed cusub.

2-In Abgaal jagoyin cusub loo siiyo si usan hadal uga keenin fursadan u gaarka ah Habargidir.

3- In Kingkong iyo Xasan Abshir la siiyo lacag ay ku takuleyaan Yusuf X. Nur oo ay sidaas uga noqdaan ishortaagi ay ka mujiyeen in dagaalka laga dhigo mid ay Ethiopia ay ku soo Qaaday ummadda Somaaliyeed. Xassan Abshir waxaa lasiiyay 1.5 Million Dollar, si looga hortago Khatarta Cabdillahi Yusuf ee Putland. Dhamaan xildhibaanadii Harti, waxay ku mashquuleen Lacagta Xasan Abshir Loogu dhiibay(Qaybta hore 400,000 USD) sidii ay u kala qaybin lahaayeen, uguna gudbin lahaayeen Qaar dhinaca Putland, qaarna Dhinaca Taageerayaasha Ciidanka Morgan ee isbahaysiga SRRC, oo loogu xawilay si sira BARAKAAT.

Sirta Culus @Augst/2001
By: Cosoble , Xamar
Sirta Culus A106 report



 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement