MALEESHIYOOYINKA DHOWAANTAN LA GEEYAY SH/HOOSE OO FALAL XUN-XUN GEYSTAY
Qoryooley August 16,2001-Ciidamo ay kooxda Carte dhowaan geysay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelada Hoose ayaa la sheegay in ay dadka deegaanka u geysanayaan dhibaatooyin badan. Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso illaa saddex kun ayaa geysta falal isugu jira kufsi, jirdil, dil, afduub, dhac, iyo waxyaabo la mid ah oo aad u foolxun. Maleeshiyooyinkan oo ku sugan deegaanada Qoryooley iyo Awdheegle iyo meelo kale oo ka mid ah gobolka ayaa haatan waxay dileen dad kor u dhaafay 18 qof oo u badan dumar iyo waayeelo, iyadoo aan la garaneyn sababta haatan keentay in la ugaarsado dumarka, balse warar madax banaan ayaa sheegaya in ula jeedadan loo ugaarsanayo dumarka ay tahay kaarto dagaal oo uu ka dambeeyo Col. Barre Hiiraale, isagoo ula jeeda in nin kastoo aagga ku maqan amaba reerkiisa laga waayo xaaska laga dilo si uu ugu mashquulo caruurta heyntooda, una joojiyo dagaalada uu ka qeyb qaadanayo.
Maalinimadii darraad ayaa deegaanka Xero koowaad ee Qoryooley waxaa lagu dilay haweeney lagu magacaabo Muslimo oo la sheegay in ninkeedu uu safar ugu maqnaa magaalada Baydhabo, balse maleeshiyooyinka dilay ay ku mar marsiyoonayeen wuxuu la jiraa RRA.
War xog ogaal ah ayaa sheegay in naagtaasi ay dileen maleeshiyooyin kufsaday oo diidayay in ay sheegto marka ay soo daayaan, waxayna dilkeeda sabab uga dhigeen in ay ku qabteen fal basaasnimo ah.
CARUUR LO’ A ILAALINEYSAY OO LA XA SUUQAY
Baraawe. Shan caruur ah ayaa dhimatay midna dhaawac halis ah ayaa gaaray kadib markii maleeshiyooyin ka kooban labo gaari oo tikniko weerar ku qaadeen toddobo caruur ah oo la socotay Lo’.
Ciidamadan oo ka tirsanaa kooxda Carte ayaa weeraray caruurtan oo lo’ ku daajineysay duleedka tuulada Garasweyn ee deegaanka Baraawe, lama garanayo sababta keentay in ay falkan ku kacaan balse waxaa la leeyahay waa arrin daba socotay ugaarsi aargoosi ah oo lala beegsanayay dadka u dhashay beesha Tuni.
Caruurtan la laayay ayaa da’doodu u dhexeysay 14 jir ilaa 9 jir. Warku wuxuu intaasi ku darayaa in maleeshiyadii falkan geysatay ay afduubteen gabar 13 jir ah oo la socotay caruurta la xasuuqay iyadoo aan weli la ogeyn meel ay geeyeen.
Waxgaradka deegaanka oo baaq ka soo saaray arrintan ayaa cambaareyn dusha uga tuuray waxa ay ku tilmaameen uur dooxatada Jubba, iyagoo hay’adaha Mnestay International, UNICEF, UN-ka IGAD, iyo jaamacadda Carabtaba ugu baaqay in ay ka hadlaan gumaadka lagu hayo dadka deegaanka gaar ahaana caruurta yar yar iyo dumarka.
Ciidamada Kooxda Carta ayaa ah isla kuwii horey ugu caan baxay xasuuqa shacabka Somaaliyeed iyo kufsiga gabdhaha yaryar, waxaana la sheegay in ay u badanyihiin maleeshiyada kooxda Carta kuwa aan akhlaaq iyo edeb lahayn oo ayadagtahay in la xukumo, waxaase ay dad badan ku tilmaamen wax fool xun in halkii looga qaadi lahaa danbiyadii ay horey uga galeen Ummadda Somaaliyeed, loo qoray mushaar si ay u wadaan xasuuqa iyo barakicinta Beelaha Somaaliyeed ee degga gobolada Shabeelaha Hoose iyo Jubadda Hoose.reeghaytimes
(BAYDHABO BPRESS)
|