Danbi-Baariis Qarsoon ee Somaliya oo ay wado Maxkamada Calamiga ee danbiyada dagaalka.
Rome, Italy-Waxaa warar laga heley ilo xogogaal ah ay shegeen,in isbuucii la soo dhaafay ururada u dooda xuquuqda baniaadamka ee Somaaliya ayna ka mid yihiin mid lagu magacaabo "ismaaciil jimcaale" oo xuquuqal insaanka difaaco in lala soo xiriiray, waxaana la soo xiriiray, Gar-yaqaano ka socdo UNka iyo waliba tan maxkamadda Caruusha,iyo Hague, ayagoo raadinayo warbixinno ku saabasan dagaal ogayaasha oo dhan.
Waxaa kaloo ay dalbadeen in la isku soo habo oona la soo diiwaan galiyo wixii warqado ah eey ka hayaan wixii gummadyo ee ay hubaan.
Warku wuxuu kalo sheegayaa in dad soomaali ah oo ku nool North America ay u gudbiyeen haweeneyda la yiraahdo Mary Robinson files ama dacwado khusseeya warlords badan iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin Gen. Axmed Warsame, Gen. Gaani, Col. Omar Jees, Xuseen Caydiid iyo Generalo Jooga Xamar iyo gobolada kale ee Somaaliya iyo waliba ganacsato, kuwaaso la sheegay in magacyadooda la dhigay boliiska sirdoonka iyo socdaalka ee Talyaaniga, maxaa yeelay wexeey badankood ku leeyihiin Ciqaamado(Sharci) Dalka Talyaniga.
BY Sirtaa Culus
|