Hoggaamiye Kooxeedka Carta oo isu diyaarinaya dabaaldaga sanad guuradii kowaad
MUQDISHO August 18, 2001 (BP)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in hogaamiyaha kooxda Carta Md. Cabdiqaasim Salaad iyo isbahaysigiisa dooxada Galgaduud ay isu diyaarinayaan dabaaldaga sanad guuradii kowaad ee ka soo wareegtay markii la magacaabay Md.Cabdiqaasim, guushii ay ka gaareen dagaalka Kismaayo, burburinta dowald goboleedka Puntland iyo qorshahooda ay hada wadaan oo ah sidii ay RRA u burburbrin lahaayeen dagaal iyo xasilooni darona uga bilaabi lahaayeen magaalo madaxda Digil iyo Mirifle ee Baydhabo, waxaa sida oo kale la sheegay in ay gacan kula jiraan maamulka Somaaliland sidii isagana la isaga horkeeni lahaa.
Mudo hal sano ah ayaa ka soo wareegtay markii uu Md. Cabdiqaasim ku soo biiray kooxaha isku haysta siyaassadda Somaaliya waxaana muuqata ayaa la yirir in uu khatar ku yahay degaano horay u xasiloona, waxaa ay dadka qaarkoo shegaan in hadii kooxda uu hoggaamiyo Cabdiqaasim sidaan lagu sii fiirsado hal sano oo kale uu khatar laba jibaaran ku sii noqon doono meelaha aan hada maamulkiisa laga ictiraafsanayn sidii General Caydiid, iyada oo dad kalena ay qabaan in dagaaladaan hada bilowday ay horseedi donaan burbur ku yimaada maamulka Mr. Cabdiqaasim Salaad.
(BAYDHABO PRESS)
|