--

 Return to Index  

Afhayeenka ururka SNF Xasan Nuur Sugule oo soo saaray war saxaafadeed

August 19 2001 at 2:50 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Afhayeenka ururka SNF Xasan Nuur Sugule oo soo saaray war saxaafadeed

From : "HASSAN NUR SUGULE" <sugule_45@hotmail.com>
To : baydhabopress@hotmail.com
Date : Sun, 19 Aug 2001 16:51:05 +0000

WAR LOOGU TALAGALAY SAXAAFADDA


19/08/2001
Luuq,Gedo

Ururka SNF kaddib markuu arkay khatarta kusoo socota dadka walaalaha ah ee wada dega gobolada Gedo iyo Galgaduud, kaddib markuu arkay maamul ku sheegga hadda ladamacsan yahay in loogu sameeyo Caabudwaaq kaasoo u adeega Kooxda Carta, wax faa’iido ahna aan u lahayn dadka reer Caabudwaaq waayo maamulka kama imaan doorashada dadka deegaanka, waana mid Muqdisho laga keenay, dadkuna uusan raalli ka ahayn.
Haddaba silooga hortago is afgaranwaa kuyimaada dadka walaalaha dhexdooda kaasoo sababi kara colaad kubaahda dhamaan goblka, ururku wuxuu ku baaqayaa:

1) Inay joojiyaan daandaansiga ay wadaan kooxda taageerta DKMG;

2) In lasameeyo maamul ka tarjuma dadka wada dega Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda ee aan lasamayn maamul ay ku adeegtaan dad wata dano gaar ahaaneed, maamulkuna uu ku yimaado iyadoo laqabanayo doorasho caddaalad ku dhisan oo lagu qabto magaalada Caabudwaaq, ee uusan noqon mid Xamar hore go’aan loogu gaaray ciddii loo dhiibi lahaa guddoomiyenimada;

3) In laqabto shir ballaaran oo ku saabsan dagaalada mudooyinkan kasocday gobolada Jubbooyinka iyo Sh/hoose si looga boxo dhibaatada.

Ururku markuu arkay xaaladda uu ku sugan yahay dalku gaar ahaan tan gobolada Gedo iyo Galgaduud, wuxuu ku tilmaamay waxba kama jiraan maamulkaa lasameeyey ee guddoomiyaha loogu doortay “Caaqil Warsame” wuxuuna ku baaqayaa in laqabto shir dhab ah oo ay maslaxad ugu jirto shacabka.
Wa billaahi tawfiiq



Afhayeenka SNF
XASAN NUUR SUGULE


(BAYDHABO PRESS)


 
 Respond to this message   
Responses

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement