| Beenta weriye Xasan Bariise: Waa warqad furan oo ka timid Digil iyo MirifleAugust 19 2001 at 4:14 PM | BAYDHABO PRESS | |
| From : "ahmed mama" <boqol@hotmail.com>
To : baydhabopress@hotmail.com
Subject : BEENTA WERIYE XASAN BARIISE:
WARQAD FURAN OO KA TIMID DIGIL IYO MIRIFLE
Date : Sun, 19 Aug 2001 01:43:32 -0400
Warqad Furan (Beenta Bariise):
Ka: Jaalliyadda Digil iyo Mirifle ee Waqooyiga America
Taariikh: August 18, 2001
Ujeeddo: Wararka Beenta ah ee Xassan Bariise
Ku: laanta Af -Soomaaliga ee BBC London, UK
Waxaan idiin soo gudbinaynaa warqaddan annagoo muujinayna sida aan uga xunnahay wararka ku-ti ri-ku-teenta ah ee baryahan dambe uu caadeystay wariyaha BBCda ee ku xusan ujeeddada warqaddaan.
Jaalliyaddeena waxay si xoog leh u rumeysan tahay madaxbanaanida saxaafadda iyo xorriyadda shaqsiga ee cabiraada fikraddiisa isagoon xadgudub u geysanayn dad kale.
Bariise wuxuu mar walba soo gudbiyaa hadallo been abuur ah oo aan la xaqiijin, isagoo weliba buunbuuniyo hadalo kale oo dacaayado ah uu ugu xaglinaayo qabiilkiisa. Taas oo ka soo horjeedda mabaadi’da iyo edaabta saxaafadda ee ku salaysan dhexdhexaadnimada (impartiality) iyo xaqiiqanimada (objectivity).
Waxuu caadeystay weriyahaas inuu weerar joogta ah oo dhinaca afka ah la daba galo qaar ka mid ah qolooyinka siyaasadda isku haayo ee Soomaaliya, isagoo ku hubaysan hadalo eey ka mid yihiin “warar aan ka helay dad magacooda aan rabin in la sheego”, “warar lagu kalsoon yahay”, “khilaaf ayaa dhexmaray A iyo B” iwm oo aan wax ka jirin.
Waxaa cad inuusan lahayn awood maskaxeed ama uusan rabin inuu ku falanqeeyo siyaasadda ka jirta Gobolada Koofurta Somaaliya si cilmiyeysan. Marna kama hadlin dhibaatada lacagaha been abuurka ah eey u geysteen xaaladda sicirka ****ada Baydhabo, wuxuu u arkaa in xiritaanka taleefanada eey kor u qaadatay sicirka suuqa.
Waxaan hubnaa in malaaqyada uu waraysto mar walba uusan fahmi Karin luqadda eey ku hadlaan,waxaan jeclaan lahayn inuu soo gudbiyo codka qofka uga turjumayey, si loo xaqiijiyo dacaayaddiisa ku salaysan qabyaaladda iyo eexashada saxaafadda.
Weriyeyaasha BBC ee Soomaalida ah waxaa u badan dad leh sumcad aad u wanaagsan iyo aaminaad (credibility) aan laga shakineyn laakiin, haddii eeydaan wax ka qaban ragga fara ku tiriska ah, ee ah suxufiyiinta garabraratada ah (freelancers) waxay noqon doonaan malaaygii badda qurmiyey.
Waxaan si joogta ah u ururineynaa hadallada weriyeyaasha sida Bariise oo kale ah, waxaana la tiigsan doonaa sharciyada caalamiga ah ee saxaafadda.
Dadkuna waxaan hubnaa ineey fahamsan yihiin dacaayadaha raqiiska ee uu ka dambeeyo ujeeddo siyaasadeed oo ku lug leh qabiil.
Ugu dambayn wixii talo iyo falanqayn ah ee arrintaan ku saabsan noogu soo dira e-mailka boggaan.
(BAYDHABO PRESS)
| |
| | Responses |
|
|