Maxay Qabatay DKMG [Kooxda Carta] oo hal sano ay ka soo wareegatay markii lagu dhisay tuulada Carata.
MUQDISHO August 24,2001-Sannad ayaa ka soo wareegay markii la doortay Dowladda Ku Meel Gaarka ah ama loo yaqaan [Kooxda Carta] oo loogu magac daray tuulada isla magacaas leh ee waddanka Jabuuti ee lagu soo dhisay, haddaba waa waqtigii aan isweydiin lahayn maxay qabteen kooxda Carta?
Intaan jawaabta u guda gelin horta waa inaan ogaanaa waxa laga filaayey ama eey yiraahdeen way qaban doonaan sannadka koowaad. Arrimaha laga filaayey ineey muhimmadda siiyaan waxay ahaayeen: nabadgelyada, dib-u-heshiisiinta, dib-u-dhiska iwm.
Dhinaca nabadgelyada waxaa laga filaayey ineey Xamar oo ahayd mushkilladda gurigeeda xogaa wax laga qaban doono nabaddeeda, wax is bedelay oo soo fiicnaaday ma jiraan haddii eysan ka sii darin. Maxay tahay sababta?, waxaa howsha nabadgalyeeynta magaalada madax looga dhigay rag aan hanan karin kalsoonida dadka, kaalin xoog badanna kaga jiray dagaalada qabiiliga ah ee waddanka burburiyey.
Cabdiqaasim wuxuu magacaabey Guddiga Qaranka ee Nabadgelyada isla markii uu tagey Muqdisho isagoo aan cidna kala tashan, wuxuu guddoomiye uga dhigay jeneral Galaal oo eey qaraabo soke yihiin, shaki xoog leh ayeey abuurtay arrintaa, waxaa dhuntay kalsoonidii yareyd ee u baahneyd in la kobciyo. Guddigan dhexdiisa ayaa is-afgaran-waa ka dhex dhacay kadib markii uu Galaal diiday qorshihii eey isku raaceen guddiga aqlabiyaddiisa, waxaa dhacdey in jeneraaladii guddiga ku jiray qaar u baxsadeen dibadda, mid ka mid ahna lagu dilay bartamaha Xamar Allah ha u naxariistee jeneraal Tallan. Taas oo sida la sheegay abuurtay Cabdiqaasim iyo Galaal ineey isku maan dhaafaan oo eey gaaraan heer aysan wada hadlin.
Weli jidgooyadii waa jirtaa, dhicii baabuurta iyo dadka waxaan dhihi karnaa waa sii batay, ciidamada booliiska ee la aruuriyey waxay toos uga amar qaataan nimankeey u shaqayn jireen intii aan laga bedelin darayska.
Dib u heshiisiinta iyana maxaa ka hirgalay?, Xamar weli wuxuu u qaybsan yahay waqooyi iyo koonfur, hoggaamiye kooxeedyadii joogay weli waa diidan yihiin Carta ineey aqoonsadaan, laakiin labadii ugu awoodda yaraa ayaa raacay (Bood iyo Qanyare), ma xuma!
Dhinaca Puntland wax heshiisiin oo laga sameeyey ma jiraan, xildhibaanadii ku abtirsanaayey halkaas waxaa caddaatay xitaa ineey booqasho ku tagi karin halkaas, bil caksi in la heshiiyo daaye hadda ayaa dagaal sokeeye iyo is dil dil ka bilaawday, Carta lug ma ku leeyihiin? Jawaabta waa “u badi !”.
Reer Hiiraan shaki ayeey ka qabeen beesha Cabdiqaasim ilaa iyo dagaaladii USC dhexdeeda markii eey jireen, magacaabistii Guddoomiyaha Bangiga dhexe ayaa noqotay dhamaadkii rajada in wax la isla qaybsado.
RRA mowqifkooda waa in laga saaro Ceyr Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka haddii la rabo in dib loo heshiiyo. Carta maxeey ka yeeleen? Waxaa lagu furay dacaayad in eey waddanka soo galiyeen Itoobiyaan raba ineey gaaleeyaan Digil iyo Mirifle. Qaybi oo kala dir siyaasad ah ha loo adeegsado ayuu ku taliyey Abdulkadir Zoppe oo ah la taliyaha C/Qaasim ee dhinaca Digil iyo Mirifle.
Zoppe wuxuu ka soo dhameeyey Talyaaniga ineey maal geliyaan Guddigii labaad ee fashilmay oo ah Guddiga dib-u-Heshiisiinta iyo Xoolo isu Celinta, Zoppe wuxuu u ballan qaaday Talyaaniga in beerahooda loo celin doono shuruud la’aan, lana siin doono beero dheeraad ah haddii eey taageeraan guddigiisa. Abdirizak Haji Hussein oo ahaa ninkii loo magacaabey guddoomiyaha guddigan markii uu ogaadey sheekada tartiib ayuu uga siibtay.
Somaliland weli waa meesheedi, xiriirkii Jabuuti iyo Somaliland ayeey salfatay Carta, isku soo duuduub xagga dib u heshiisiinta waa:“Faanoole fari kama qodna”.
Waxaan sugno waa guddiga dib u dhiska oo magacaabistiisa laga shaki qabo inuu noqon doono kii lagu kala tagi lahaa, waxaa isha lagu wada hayaa guddigan oo noqon doono kan bixin doono kuntraadyada lagu dhisi doono waddanka cidda loo magacaabi doono.
Dhinaca siayaasadda dibadda waxaa la dhihi karaa adduunka wuxuu rabaa in Somaliya la garab qabto haddii eey iyaga wax qabsan karaan, ururada eey ka mid yihiin Qaramada Midoobey, OAU, Jaamicadda Carabta ayaa soo dhoweeyey C/qaasim, laakiin waxay ku xireen shuruud ah inuu dowlad loo dhan yahay keeno si uu u helo aqoonsi buuxa, dowladaha caalamka marka laga reebo Jabuuti waxay fiirinaayaan in la dhamaystiro dib u heshiisiinta si eey u siiyaan aqoonsi buuxa.
Haddaba waxaan u jeednaa in loo baahan yahay in qaybaha siyaasadda ku looltamaayo oo dhan eey wada fadhiistaan oo eey ka tashtaan sidii lagu dhisi lahaa maamul goboleedyo leh awood ismaamul buuxa oo isugu yimaada dowlad federaal ah. Siyaasiyiintana eey joojiyaan dacaayadaha kala dheereynaaya dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah.
(BAYDHABO PRESS)
|