--

 Return to Index  

SHIR SANADEEDKII JAALIYADDA DIGIL IYO MIRIFLE EE DEGAN WAQOOYIGA AMEERIKA.

August 28 2001 at 6:46 PM
BAYDHABO PRESS 

 
SHIR SANADEEDKII JAALIYADDA DIGIL IYO MIRIFLE
EE DEGAN WAQOOYIGA AMEERIKA.

ATLANTA August, 26, 2001-Shir ay isugu yimaadeen Odayaasha Aqoon yahanada,Culimaau-diinka,Haweenka iyo Dhalin yarada Qowmiyada DIGIL iyo MIRIFLE ee ku nool North America ayaa maanta ka dhacay Dalka Mareykanka magaalada Atlanta.

Shirkaasi oo looga hadlayay xaalada guud ee ay ku sugan tahay Qowmiyada DIGIL iyo MIRIFLE Gudaha iyo Dibadaba waxaa ka qayb galayaasha ay isla falanqeeyeen xaalada guud ee ka jirta dhulka D&M ee la haysto iyo kan xorta ah waxayna aad ugu dheeraadeen xaalada hada ka jirta Deegaanada Sh/hoose,J/dhexe iyo J/hoose taasi oo ay ku tilmaameen xaalad laga naxo oo argagax leh waxayna si gaar ah u tilmaameen Dhibaatooyinka hada taagan oo isugu jira Dil ,Boob , Kufsi ,Jirdil Barakicin, Xaalufinta Deegaanka iyo Isir-sifayn.

Waxaa kale oo beryahan ka socda dhulkaas arimo fool xun oo ay geysanayaan Maleeshiyooyin magacyo kala du-duwan sita ee xooga ku heysta Gobolada Sh/hoose,iyo Labada Juba ayagoo gacan ka helaya dadka isku sheegaya in ay yihiin Dowlad kuwaasi oo hayb qabiil u garab taagan mooryaanta Qoriga ku haysata Goboladaas taasi oo Tusaale Cad u ah Duulaanka ay ku duuleen Kismaanyo iyo Dhigista ay Balidoogle dhigeen ciidamo Beeshood ah si loo sii wado xasuuqa Ummadda Digil iyo Mirifle loona hakiyo halgankooda ku aadan ka talinta aayahooda.

Gabagabadii shirka ayaa wuxuu shir gudoon soo saaray BAYAAN uu ku muujinaayo khatarta iyo cawaaqib xumada ay yeelan karto hadii ay sii socdaan xaaladaha foosha xun ee hada ka jirta Deegaanadaas, Bayaankaasi oo ka kooban shan qodob ayaa waxay kala yihiin sida tan:

1-Waxaan cambaarayn Dusha uga tuuraynaa guud ahaan kuwa xooga ku haysta dhulka digil iyo mirifle magac kasto oo loogu yeero si gaar ahna kuwa sheeganaya in ay yihiin Dowlad.

2-In si sharuud la'aan ah ay uga baxaan dhamaan kooxaha haysta iyo kuwa duulaanka ku ah dhulka Digil iyo Mirifle.

3-In hiil iyo howlba la garab istaago kacdoonka shacabka Digil iyo Mirifle ee ku wajahan xoraynta dhulkooda.

4-In meel looga soo wada jeesto Danaystayaasha iyo kuwa dhul boobka ah.

5-In Qawmiyada Digil iyo Mirifle ay badiyaan kulamada si loo xoojiyo midnimada iyo wadajirka Ummadda Digil iyo Mirifle.



YASIIN ABICAR.

(BAYDHABO PRESS)



 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement