Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Denmark oo beenisay war lagu daabacay Internetka.
DENMARK August 28, 2001 (BP)-Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Denmark ayaa beenisay war lagu daabacay Internetka oo sheegaya in ay kalsoonidii kala noqdeen guddomiyaha Ururka RRA Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargadud].
Afhayeen u hadlay Jaaliyadda lana yiraahdo Ibraahim Sheikh Maxamed [Qulqule] ayaa beeniyay warkaas wuxuuna ku tilmaamay warkaas in uu yahay mid lagaga been abuurtay Jaaliyadda oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Warkii ay Jaaliyaddu na soo gaarsisayna sidtan ayuu u qornaa.
Waxaa wax lala yaabo ah in ay qoreen dad isku sheegaya in ay yihiin Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan Denmark in ay shireen taarikhdu markay ahayd 8.8.01 ayna kalsoonidii kala noqdeen Gudoomiyha Ururka RRA Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud].
Hadaba waxaan cadeynaynaa inaan Jaaliyadda Digil iyo Mirifle aan wax shir ah isugu imaan, Warka la qoray ee sheegaya in aan kalsoonidii kala noqonay guddomiyaha waa war aan sal lahayn.
Warkaasina waxaa lagu qoray boga lagu magaacabo SOMALITALk. CADADKIISII SOO BAXAY MAALINTII taarikhdu ahayd 18.08.01.
Hadaba hadii aan nahay jaaliyada Digil iyo Mirifle ee Denmark waxaan leenahay dadka qora dacaaydaha raqiiska ah waa in ay ka waan toobaan hadalo aan sal iyo raad toona aan lahayn.
Anagu Hadii aan nahay Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee ku nool danmark waanu isgaranaynaa, wax shir isugu imaadayna ma jiro.
Ummadda Somaaliyed meel kasta oo ay joogto waxaan u sheegaynaa in J.D/ ee Danmark ku nool ay ayidsan yihiin halyeyga u soo halgamey sharfta iyo karaamada Ummadda Digil iyo Mirifle Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaatigadud] YO DHAMAAN HALYEEYADA MANDEELAYAASH (RRA).
GUUL AYAAN U RAJEYNAYNAA UMMADDA DIGIL IYO MIRIFLE MEEL KASTO OO AY JOOGAAN.
IBRAHIM SH.MOHAMED(qulqule)
AHMED ALI HASSAN (SHARIIF)
IBRAAHIM HAJI AADAN
NUUR SH.IBRAHIM
MUSTAF HAJI AHMED
FARTUUN M.DAHIR
NAJMA SH.MOHAMED (SHEGSHIGOW)
IBRAHIM SH.MOHAMED(qulqule)
Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee DANMARK
(BAYDHABO PRESS)
|