Dagaal kale oo laga cabsi qabo in uu ka soo cusboonaado gobolka Jubadda Hoose.
BAYDHABO August 28, 2001(BP0- Wararka ka imaanaya degmada Jilib iyo tuulooyinka ku harereysan ayaa waxay shegayaan in la dareemayo dhaqdhaqaaq ciiddan oo labadii maalmood ee u danbeysay si aad ah isu soo tarayey.
Warar aan ka soo xiganay dad degaanka degan iyo kuwo socoto ahaa oo soo gaaray degmada Saakow ee gobolka J. Dhexe ayaa sheegaya in Isbahaysiga Dooxda Galgaduud iyo Carta ay isku soo urusadeen degmada Jilib iyada oo uu horkacayo Jeneral Axmed Warsame waxaana uu warku intaa ku daray in ay cabsi ka qabaan weerar uga yimaada dhinca ciidamda SRRC oo haatan la sheegay in ay wadaan abaabul xoog leh oo ay ku doonayaan in ay dib ugu soo ceshadaan gacan ku heynta magaalada Kismaayo.
(BAYDHABO PRESS) |