Booliiska Kooxda Carta oo togtay laba wiil oo walaalo oo reer Baraawe ah.
MUQDISHO August 31,2001(BP)-Muuse Maxamed Muxsin oo toban jir ahaa iyo Cabdi Fataax Maxamed Muxsin oo 8 jir ahaa, kana soo jeeda Beesha Reer Baraawe ayaa shalay Booliska kooxda Carta ay ku dileen Xeebta u dhaw Dugsiga Sare ee Booliska.
Dad ku dhaw goobtii falkaas ka dhacay ayaa u sheegay Wargeyskan in dilkaasu ahaa mid ula kac ah, iyadoo saacado ka hor markii dilkaas dhacay uu Dugsiga Sare ee Booliska booqday hoggaamiyaha Dowladda Carta.midnimo
(BAYDHABO PRESS)
|