Hay,adda Somaaliyed ee Xuquuqda Aadanaha oo qoraal ka diyaarisay xaalada Somaaliya.September 1 2001 at 11:06 PM | BAYDHABO PRESS | |
|
Hay,adda Somaaliyed ee Xuquuqda Aadanaha oo qoraal ka diyaarisay xaalada Somaaliya.
BAYDHABO Sept 1, 2001(BP)- Hay,adda Somaaliyed ee xuquuqda bani'aadmka [Somalia Human Rights Commission] oo ay xaruunteedu tahay magaalada Baydhabo ayaa diyaarisay qoraal ay ka waramayso guud ahaan xaalada dalka Somaaliya iyo xadgudub-yada loo geeysto bulshada rayidka ah.
Hay,addu waxay hada ka hor dhowr jeer qoraalo iyo daraasado ka sameysay isla markaana diwaan galisay xadgudub-yadii loo geystay bulshada Somaaliyeed gaar ahaan qowmiyadda Digil iyo Mirifle tan iyo markii ay bilowdeen dagaaladii sokeeye sanadii 1991 dii ilaa iyo maanta.
Waxaa ay hada hay,addu warbixntii u danbeysay kaga hadashay tacdiga iyo ku xadgudubka lagu hayo dadka reer Kismaayo, Jilib iyo Baraawe. Warbiximihii ay Somalia Human Rights Commission u gudbisay Qaramada Midoobay oo ku qoran luqada Ingriiska gadal ayaan idin ka soo gudbin doona hadu Alle Idmo.
(BAYDHABO PRESS)
| |
|