--

 Return to Index  

Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargadudud] oo xafiskiisa ku qaabilay wafdigii ka socday Qaramada Midoobay.

September 3 2001 at 8:24 AM
BAYDHABO PRESS 

 
Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargadudud] oo xafiskiisa ku qaabilay wafdigii ka socday Qaramada Midoobay.


BAYDHABO Sep 3, 2001(BP)- Guddomiyaha Ururka RRA Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargadud] ayaa xaruunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo maalintii Jimacaha ahayd kula kulmay wafdi balaaran oo ka socday Qaramada Midoobay.

Wafdigaan ayaa waxaa ka mid ahaa madaxa Jamciyadda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta Somaaliya Mr. Randolph Kent iyo ergayga ay Qaramada Midoobay u xilsaartay ilaalinta xuquuqda bani,aadmka Somaaliya Mr. Najar iyo xubno kale oo badan.

Md.Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargadud] wuxuu wafigaas uga xog waramay guud ahaan xaalada dalka Somaaliya isaga oo markii danbena warbixin ka siiyay qorshahooda la xiriira dhismaha Maamul goboleedka Koonfurta Somaaliya oo uu ka codsaday in ay ku gacan siyaan taaso uu wafdiguna balan qaaday.

Wuxuu kale oo sheegay in kooxda Carta ee uu hoggamiyo Md. Cabdiqaasim ay ku kooban yihiin qeyb ka mid ah magaalada Muqdisho oo aysan wax ka geysan karin barnaamijayada ay Qaramada Midoobay rabto in ay ka fuliso inta badan dalka Somaaliya taaso lagama maarmaan ka dhigayso in loogu wada shaqeeyo sidii horay loogu wada shaqaynjiray, iyada oo markii danbena ay labada dhinac isku raaceen in sidaas lagu howlgalo, wafidgu wuxuu qiray in ay tahay xaqiiqo jirto oo aan la inkiri karin in Maamulka Cabdiqaasim uu ku kooban yahay meelo xadidan oo ka mid ah magaalda Muqdisho wax awood ahana aysan ku lahayn qeybaha kale ee dalka Somaaliya.




(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement