Baaq furan oo ku socda reer Baraawe una soo saaray Eng. Munye Saciid Cumar
Sep 4, 2001 (BP)-Waxaa ayaamahan danbe, tan iyo intii ay ka dilaaceen Soomaaliya Dagaaladii sokeeye, la caadeystay qabashada shirar beeleed iyo mid jilib hoosaad oo aan wax faa,ido ay ku soo kordhinayaan aysan jirin arrimaha Soomaaliya dhibaatooyin iyo Murugo cusub oo ay abuuraan maahine shirarka noocaas waxaa ka danbeeya Dad had iyo jeer ujeeddo iyo dano gaara leh.
Waxaa dareen naxdin leh igu beeray shirka lagu qabtay Concourse Hotel ee magaalada "COLUMBUS OHIO USA" & MANCHESTER UK" oo ay ku kulmeen Dad sheeganayey in ay matalaan Qowmiyadda Tunni Shangamaas.
Aniga aragtideyda shirkaas wuxuu ahaa mid meel ka dhac ku ahaa Beelaha reer Baraawe oo dad Munaafiqiin ah ay soo abaabuleen oo Ujeedooyinka laga lahaa ay saldhig u yihiin marin habaabin, kala qeybin iyo kala dhantaalid dadka walaalaha ee reer Baraawe oo ku mideysnaa boqolaal sano caqiidada Islaamka, Soomaalinimada, Dab kala qaadashada, Guurka, Isxaqdhowrka, sinaanta iyo Cadaaladda.
Sida la wada ogyahay dadyowga ku abtirsada reer Baraawe waxay ka kooban yihiin: Shangamaas, tunni toore, Biidda, Haatim, Asharaaf iyo Warabu, Dadyowgaas waa kuwo isugu xiran sida silsiladda oo aan midna aan midka kale ka maarmin. Waxaa ka dhexeeya xeerar soo jireen ah oo kala haga noloshooda iyo degaanadooda iyo qaanuun-dhaqameed ku saleysan mabaadi,da nabad kuwada noolashaha, kala sareyn la,aanta isxurmeynta iyo isugurmadka masiibooyinka dabiiciga marka ay dhacaan, Shaqo iyo wax wadaqabsi.
Hadaba waxaa nasiib daro ah in dadka qaarkii oo ku abtirsada Beelaha reer Baraawe iyagoo og xasaasiyadda ay leedahay kala qooqobidda Beelaha reer Baraawe ay haddana ka xishoon waayeen in shirar ay u abaabulen Iyadoo la ogyahay in Shirkii "Carta" isla iyaga ay ahaayeen kuwii ku Tuntay wadajirka Beelaha Baraawe Halkaas oo ku lumi lahaa Saamiga Reerka waxaa fajac iyo layaab ila noqotay ka qeybgalka firfircoon ee Shirkaas danjire Dr. Maxamed Sheikh Hassan Tunni Musharaxii xilka madaxweynaha J. Soomaaliya ee Shirkii Carte iyo Dr. Sharif Shekhuna oo Horey Maxkamadaha Soomaaliya aga ahaan jiray xeer ilaaliye.
Labada nin oo weligood ka mid ahaan jiray Cuqasha iyo Indheergaradka Beesha reer Baraawe waxaan filayaa in isbeddel weyn inuu ku dhacay, Maya ee nimankan lixjeclo iyo xukun raadis ayaa haya hadaba maxa ka fudud in ay hirgeliyaan ama dabaqaan oraahdii caanka aheyd ee Sir Winston Churchil oo aheyd "Qeybi oo Xukun" cadaawad shaqsi oo aniga iyo Odayaasha aan kor ku soo xusay naga dhexeeya majiraan.
Lakin looma dulqaadankaro in si nin walba u fushado Damiciisa iyo Danahiisa dumiyo Tiirarka Midnimada ,iskaashiga iyo wadatashiga dadyowga ku abtirsada Beelaha Degan Baraawe qof aan ka aqbaleyno ma jiro ku Gorgortanka dadnimadeena.
Waxaan ka warhayaa in Dhibaatoyin la xiriira Dhaca, Boobka, Kufsi iyo Nabadguur lagu haayo dadkeena iyo deegaankeena. Lakin sida la ogyahay kala qeybinta Beelaha reer Baraawe xall uma ahan arrinta.
Waxaa guul lagu gaaraa wadajir iyo Isbaheysi sida Mahmahda Soomalida ay tiraahdo:"Gacmo Wadajir ayey wax ku gooyaan".
Waxaan halkan rabaa in aan ku wargeliyo Dadka reer Baraawe sida xaqiiqada ay wax aga dhaceen Shirka Carta. Waxaad ka warhaysiin in Carta waxa Xildhibaanada lagu Qeybsanayey Afar Beelo oo waaweyn iyo inta kale (Others) anaga dabcan afarta Beelood waxaan ka mid nahay Beesha Digil iyo Mirifle oo Gudoomiye u ah RRA Md. Dr Xassan Maxamed Nur "Shaatigudud" oo hormuud u ahaa asaga ayaa awood u lahaa xulidda labada xildhibaan ee ku soo aaday Beesha Reer Baraawe.
Waxaa jirtay koox oo ay hogaaminayeen Dr. Maxmed Sheikh Hassan iyo Dr. Shariif Shekhuna iyagoo af duubeen Suldaanka Dacfaraad Suladan Cumar Sacid Faqi, oo ah nin muxtaram ah, magac weyn ku leh degaanka Baraawe, waxay ka shaqeeyeen kala qeybinta iyo kala qoqobida Beesha reer Baraawe iyagoo isku dayey in ay ka go,yaan Beelweynta D/M.
Labada oday oo Muxtaramka ah oo kor ku xusan xita salaan uguma tegin sida Protokoolka uu yahay Md. Shaatigudud oo ahaa Gudoomiyaha Beesha D/M, aan is weydiinee Md Shatigudud yuu u magacaaba Xildhibaanimada? Kuwii Beesha Baraawe ka tirsanaa oo taageerayey asaga iyo figradda in ay reer Baraawe ka mid yihiin beelaha Digil iyo Mirifle mise kuwii ka soo horjeeday asaga iyo figradda kor ku xusan?. su,aashan jawaabteeda waxay utaalaa Beel waynta Baraawe.
waxaan jeclahay in aan Beesha reer baraawe u soo jeediyo Baaqan soo socda:-
· In la xoojiyo,islamarkaana ,la adkeeyo midnimada reer Baraawe.
· In la dhiso iyadoo raali laga wada yahay hogaan siyaasadeed oo u dooda xaquuqda dadka reer ..Baraawe.
· In si wadajir ah looga hortago cidkasta oo carqaladeyneysa mid nimada iyo dhaqanada soo ..jireenka ..ah ee dadkeena.
· In loo howlgalo sidii dib looga xureyn lahaa Beelaha Soomaliyeed oo gumeysiga ku haysta ..Degaankeena iyo Dadkeena, iyagoo u horseeday Gaajo iyo faqri degaankana Nabadguur.
· Howlgalkan waa inuu ahadaa mid la adeegsanaayo Maskax iyo Siyaasad.
· In la dhiso sanduuq lacageed, Madaama dadka dalka jooga aysan waxba haysan waxaan soo ..jeedinayaa in dadka jooga dibadaha oo aan is ka qaadno $ 5. bishiiba dhaqaalahaas oo ..wax weyn ka tari karta haqabtirka baahida dadkeena iyo degaanadeena.
· Lacagtaas loogama tala galin in lagu gado hub iyo Rasaas ( Qabaa,ilada kale ayaa wax ku keeni ..waayey) inaga dagaal ..keena waa mid siyaasadeed.
· Indheergaradka reer Baraawe waxaan u soo jeedinayaa in ay ururiyaan wixii xog ah oo ku saabsan ..noocyada fal denbiyeedyada laga galay Dadkeena iyo cidii ka masuulka ahayd si markii nabad la ..helo loola tiigsado Maxkamada Aduunka ee ku xadgudubka Xuquuqul insaanka.
Ugu danbeyntii waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa walaalaheena reer Banaadir oo shir ay u wada dhan yihiin uu hogaaminayo Dr. Sharif Cabaas, oo ah Taqtar iyo odey Soomaali dhab ah oo lagu qabanaayo bishan sidededa Magaalada Lodon UK Laguna gorfeynayo danaha iyo Maslaxada dadka u dhashay reer Banaadir.
Anigoo u rajeynayo Guul, Shirkaas, waxaan ku guubaabinayaa Beelaha reer Baraawe in ay Tusaale ka qaataan kuna deydaan.
ALLAHUMA MAA BALAQTU
Eng. Munye Said Omar
Riverineland
|