Hay,adda Somaaliyed ee Xuquqda Aadanaha oo canbaraysay dilkii loo geystay laba wiil oo reer Baraawe.September 4 2001 at 5:50 PM | BAYDHABO PRESS | |
| Hay,adda Somaaliyed ee Xuquqda Aadanaha oo canbaraysay dilkii loo geystay laba wiil oo reer Baraawe ah.
BAYDHABO Sept 4, 2001(BP)- Hay,adda Somaaliyeed ee Xuququda Bani,aadamka [Somalia Human Rights Council] oo xaruuntedu tahay magaalada Baydhabo ayaa canbaar-eysay dilkii waxshnimada ahaa ee loo geystay laba wiil oo walaalo ahaa una dhashay reer Baraawe.
Afhayeen u hadashay Hay,adda Somaaliyed ee Xuququda Bani,aadamka oo magacedana la yiraahdo Bilan Sheikh Maxamed ayaa shir jaraaid oo ay ku qabatay xaruunta Hay,adda ee magaalada Baydhabo waxaa ay sheegtay in falkaas dilka ah ay geysteen Booliska Maamulka Cabdiqaasim.
Waxay ugu baaqday Maamulka Cabdiqaasim Salaad in ay ku dadaalaan masu,liyadna iska saaraan soo qabashada cidii geysatay dilkaas si loogu qaado danbiga uu galay, islamarkaana hoyadii ilmaha dhashayna Caasho Shariif ay xaqeeda u hesho.
Waxay kale oo Bilan sheegtay hadii uu Maamulka Cabdiqaasim Salaad ka dhaga adeygo dabagalka iyo soo qabashada danbiilaha in ay ku Eedeyn donaan Maamulka Cabdiqaasim in uu yahay mid aan ilaalin xuququda Somaalida ku hoos nool maamul-kooda iyo in uu yahay maamul aan ku dhisnayn cadaalad bacdamaa Boliiska Cabdiqaasim ay u badan yihiin Beeshiisa in loo arki doono in aysan rabin in ay so qabtaan danbiilaha falkaas geystay, waxaan dacawadaas u gudbin donaan ayay tiri Bilan Qaramada Midoobay iyo Ururada u xilsaaran dhowrista xuququl insaanka.
(BAYDHABO PRESS)
| |
|