--

 Return to Index  

Buuq ka taagan cida dalka Somaaliya u mathali doonta Qaramada Middobay.

September 8 2001 at 5:19 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Buuq ka taagan cida dalka Somaaliya u mathali doonta Qaramada Middobay.

NewYork Sep 9, 2001 (BP)-Fratun Maxamed Xasan oo aheyd gabadhii ergada Somaaliyed u fadhidey Qaramadda Midoobay ayaa todobaadkaan waraaq ay u qortay Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Kofi Annan waxaa ay ku Eedaysay DKM ah in aysan ka soo bixin waxyaabihii lagu doortay.

Waxaa kale oo ay qoraalkeeda ku sheegtay in DKM aysan haysan kalsoonida shacabka Somaaliyeed kana talin dalka intiisa badan, loona arko koox ka mid ah kooxaha Somaaliya ka jira, sidaas darateed surtogal ma ahan ayey tiri in ay koox magaacbato Ergeyga Somaaliya u fadhin doona Qaramada Midoobay, waa in lala sugaa inta ay Somaaliya ka yeelan doonto Dowlad Qaran oo loo wada dhanyahay.

Arintaan ayaa la sheegay in ay ku timid ka dib markii uu Maamulka DKM [kooxda Carta] ay u magacaaben nin la yiraahdo Axmed Xasharo oo ay qaraabo yihiin Cali Khaliif Ergeyga Somaaliya u fadhin doona Qaramada Midoobay, iyada oo ay jiraan warar kale oo sheegaya in Cabdiqaasim laftigiisu uu ku talo jiro in uu magaccabo sadex danjirayaal oo Cayr ah bacdamaa uu tartan ka dhexeeyo Cabdiqaasim iyo Galayr.


(BAYDHABO PRESS)




 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement