Qoraal jawaab celin u ah baaqii Eng. Munye Saciid oo uu na soo gaarsiyay Dr. Shariif Sheekhuna Maye.
SWIDEN Sep 9, 2001(BP)- Waxaan akhristayaasha u soo gudbinaynaa qoraalkan oo jawaab celin u ah Maqaal ama baaq uu Eng. Munye Saciid soo saaray horaantii bishan aanu ku jirno ee September. Waxaa jawaabta ku socota baaqi Eng. Munye na soo gaarsiiyay Dr. Shariif Sheekhuna Maye. Waana sidan hoos ku qoran:
DHAMMAAN DADKA YAQAAN ENG. MUNYE SACIID WAY OGYIHIIN IN AANU AHAYN QOF LAGA FISHO.
Muddo ku dhow 11 sano ah ayuu Eng. Munye codkiisu hawada ka maqnaa, haddana waa Ebbe mahaddiis haddii uu Enjineerku ifka ku soo noqday, isagoo weliba gartay in khilaafka, tafaraaruqa iyo danaysiga ay yihiin kuwa curyaamiya danaha guud ee mujtamaca, horseedna u ah isnacaybka, isxasidka, isla markaana kala fogeeya midnimada iyo walaaltinimada, isagoo weliba soo jeediye in la xoojiyo lana adkeeyo midnimada Reer Baraawe.-
Gacamo furan ayaannu ku soo dhoweynaynaa baaqa Eng. Munye haddii aysan xambaarsanayn ujeedooyin gurracan, waayo Enjineerku waa nin aad & aad la yaqaano, Soomaaliduna waxay tiraahda haddii aad rabto in aad baratid qof, AMA JID LA MAR AMA JABAD LA DEG AMA JADIN LA CUN sidaas darteed, Munye wuxuu Waddanka gudihiisa iyo Dibadiisaba caan ku noqday in uu yahay nin DANAYSTE ah uusan marna ku dhaqaaqin hawl ama arrin haddii aysan dantiisu ku jirin.-
Eng. Munye, inkastoo uu nagu cambaareeyay aniga & Danjire Moxamed Sheekh Xasan Tunni in aannu nahay dad danaystayaal ah iyo xukun raadis, haddana waa eedeyn runta ka fog. Eebbe wuxuu quraankiisa kariimka ah ku yiri: kuwa xaqa rumeeyow dhowra xilka iyo waajibku Alle idin saaray oo ka mid ahaada run sheegeyaasha (suura Al-Towba aayadda 119), Nebiguna (SCW) WUXUU YIRI: Munaafaqu seddex calaamadood ayuu leeyahay:
1. Markuu hadlayo wuxuu ku hadlaa been;
2. Markuu ballan qaado waa ka baxa iyo 3. Markii la aamminana waa khiyaana.- Soomaaliduna waxay tiraahda Ninkii tiisaba daryeela tu kale ku dara Waxaa kaloo la yiri Haddaad aqal muraayad ka samaysan ku jirto, aqallada dadka kale ha dhagaxayn.
Haddaba, xaqiiqadu waxay tahay in haddii xiriirkii, midnimadii, iskaashigii ka dhexeeyay Shangamaas, Todoba Tol & Asharaaf ay xumaadeen, waxaa ka mas'uul ah Eng.Munye iyo xulufadiisa. Soomaalidu waxay tiraahda YEELE waa iloowa, LA-YEELESE ma iloowo.
Eng.Munye waa ninkii bilaabay in uu kala qaybiyo Reer Baraawe, waayo intii Dalka Kenya la joogay, dhowr jeer ayuu la shiray Todoba Tol, Ashraaf iyo reer Benaadir, hase yeeshee wuxuu iska indha-tiray jiritaanka walaalihiis Shangamaas oo waqtigaas Odeyaasha Shangamaas, Indheer-garatadooda, Aqoon-yahanadooda iyo Siyaasiin-toodaba ku sugnaayeen Waddanka Kenya.
Eng. Munye, waa ninkii ku booriyey Todoba Tol iyo Ashraafta in ay ku biiraan Ururka SANU oo Dr. Raajis Guddoomiye u ahaa, isla markaana uu ka hor yimid codsigii ay soo jeediyeen Odeyaasheena oo ahaa in la taakuleeyo Ururka SDM, bacdamaa mujtamaca Reer Baraawe ku abtirsadaan Qowmiyadda Digil iyo Mirifle, taasna waxaa daliil u ah in Shirkii koowaad ee Dib-U-Heshisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Addis Abeba, Enjineerku iyo xulafadiisuba shirkaas uga qayb galeen iyagoo matilaaye danaha iyo siyaasadda reer Banaadir, waayo walaalkiisu Jeneral Saciid Mariino shirkaas ka hor lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka. Ururka SANU.
Eng. Munye waa ninkii is-hortaagay barnaamijka iyo hadafka Ururka Nabad-Jacaylka Soomaaliyeed (SPLU) kaas oo loo dhisay in uu difaaco xuquuqda mujtamaca Reer Baraawe iyo inuu caalamka la xiriiro si uu u gaarsiiyo dhibaatooyinkii loo geystay Bulshadeena, xuquuqdooda baniiaadanimada lagu tuntay.-
Intaas waxaa si dheer in Enjineerku uusan marna qalbigiisu ku dhacin in uu IL-NAXRIISEED ku eego walaalihiisa oo ku dhibaataysnaa Degmada Baraawe iyo nawaaxigeeda, isagoo ka war qabay in bulshadeena soo asiibtay musiibooyin Rabbaani ah sida: abaarta, cudurada dilaaga ahaa, gaajada iwm., una baahnaayeen in loo gurmado, nasiib darrose Eng. Munye wax deeq ah uma fidinin haba yaraatee mujtamaca Reer Baraawe , inkastoo dhowr jeer Odeyaasheena u tegeen Eng. Munye kana codsadeen in kaalmo bani'aadam ku salaysan u diro walaalihiisa laakinse Enjineerku dheg uma dhigin, iyadoo la ogyahay in 10kii sano uu hantida Ummadda Soomaaliyeed u hayo ku taakuleynaaye hadba kooxdii hubeysan oo u maleynaayey in dantiisu ku jirto.
Marka waxaa is weydiin leh: Meeday walaaltinimadii, midnimadii iyo isu-gurmadkii oo uu Eng.Munye ku xusay baaqiisa? Yaase ka dambeeyay kala qaybinta iyo kala dhantaalida midnimada Reer Baraawe? Su'aalaha jawaabtooda waxaan u dhaafaya akhristayaasha.-
Eng.Munye, wuxuu baaqiisa ku sheegay in Shirkii Shangamaas ee lagu qabtay COLUMBUS OHIO USA ay abaabuleen dad MUNAAFIQIIN ah, isagoo og in Shirkaas uu ahaa shir Beeleed oo ku yimid hal abuurkii dhaqan oo loo adeegsaday dhinaca siyaasadda iyo caadooyin-keena kana madaxbanaana fara gelin dad aan ku abtir-sanayn TUNNI SHANGAMAAS, waxaana ka soo baxay go'aanno iyo baaq, kuwaas oo dhalay miro la taaban karo oo ay Qowmiyadda D/M. meel kasta ha joogeen ka marag fureen isla markaana si buuxda u taageereen, cid is diidsiinaysa mooye.
Waxaa kale oo xusid mudan, in dulmigii, cadaalad darradii iyo eexashadii lagula kacay Beesha Tunni markii la magacaabayey xubnaha Golaha Shacbiga Soomaaliyee ee DKM dhaamaantod waxaa ka dambeeyay Eng, Munye mana aha arrin qarsoon, waayo bulshada soomaaliyeed inta xaqa iyo sinnaanta jecel aad iyo aad ayay uga xumaadeen.-
Laakinse waxaa iga su'aal ah: Sideeba Saciid Mariino ku noqday Tunni? Miyuu ka tanasulay Asharaaf-nima-diisi? Waxaa la yiri Habar dhali weyday aleelo bay ku waalatay Eng.Munye isagoo ka dambeeyay khiyaanadii lagu dudsiiyay Tunni xuquuqdooda, ayuu misane ku war-wareeganyaa arrimo aan sal iyo raad toona lahayn, ujeedadiisuna ay tahay in uu marin habaabiyo ray'il caamka.
Hadal iyo dhammaantiis, haddii Eng. Munye Said diyaar u yahay in uu xalliyo qilaafta ka dhexeeya Shangamaas, Todoba Tol iyo Asharaaf, kaalin wax ku ool ah ayaannu ka qaadanaynaa si midnimada iyo walaaltinimada Reer Baraawe dib loogu nooleeyo, haddii kalese waxaan Enjeneerka kula talinaaya in uu ku waana qaato waaya socodka taariikhda Adduunka Nin walibana beertu abuuray ayuu miraheeda goosan doona.
Waxaan kaloo Munye ogeysiinaaya in:Taajirnimo iyo Awood sheegasho ALLe ayey u sugnaatay, sidaas darteed, waxaa habboon in aad walaalahaada dhinac ka raacdid inta ay goori goor tahay.-
WA BILLAAHI TOW FIIQ:
W.Q. Dr. Shariif Sheekhuna Maye.
Göteborg Swiden
(BAYDHABO PRESS)
|